Guddoomiyihii Gobolka Mudug oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah ka kaxeysteen Gurigiisa

Sabti, March 01, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku hubeysan Gadiidka Dagaalka ayaa lagu waramayaa in ay ka kaxeysteen Gurigiisa Gudoomihiyii Gobalka Mudug qeybta ay Puntland maamusho C/rashiid Cali Xaashi Dhuubane.
 
Ciidamadda Itoobiya ayaa ka hor inta aysan kaxeysan Gudoomiyaha waxaa ay wadda qaateen kulan muddo kooban socday kaa soo sidda warar soo baxaya sheegayaan looga wadda halay arimo la xiriira Gadiid Ciidamadda Itoobiya ugga Gubtay dagaalkii ku dhax maray Deegaanka Bandiiradley iyagga iyo Xoogagii Maxkamadaha kuwaa oo sidda la sheegay markii dabe la waayay.
 
Lakiin warar kale oo soo baxaya kuna saabsan xarigga Gudoomiyaha Gobalka Mudug ayaa sheegaya in uu la xiriiro amar toos ah oo ka soo baxay dhinaca Dowladda Federaalka Itoobiya iyadda oo dhawaan C/rashiid Cali Xaanshi Dhuubane uu ka soo laabtay Safar u ku tagay Magaaladda Adiss Ababa ee Dalka Itoobiya halkaa oo sidda la sheegay uu kulamo kula soo qaaday Saraakiil Itoobiyaan ah.
 
Ilaa hadda ma'jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Maamul Gobaleedka Puntland si faah faahin dheeraad ah loogga helo xarigga gudoomiyaha, walow wararka qaar ay tilmaamayaan in uu jiro dadaalo ay wadaan Mas'uuliyiinta Maamul Gobaleedka si loo sii daayo Gudoomiye C/rashiid Cali Xaanshi Dhuubane.
 
Waa markii ugu horeysay oo ay Ciidamo Itoobiyaan ah xireen Gudoomiye Gobal tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay Ciidamadda Itoobiyaanku soo galeen gudaha dalka Soomaaliya,  gaar ahaan marka la eego dhinaca Puntland oo xiriir wanaagsan la leh Dowladda Itoobiya.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia