5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 9 , 2008
Halkee ku dambeeyaan Wada Hadalladii dhinacyada Soomaalida uga socday Dalka Jibouti?

Isniin, June 09, 2008(HOL): Wada hadalladii dhinacyada Soomaalida uga socday Dalka Jibouti ayaa haatan waxay marayaan marxalad xasaasi ah, waxaana lagu soo waramayaa in ay socdaan dadaallo ay horseed ka yihiin Qaramada Midoobay iyo Dowladda Jibouti oo wada hadallada looga badbaadinayo in ay burburaan.

Hotelka uu shirka dibu heshiisiintu ka socdo
Hotelka ay wada hadallada ka socdaan ee Kempinski
Wararkii ugu dambeebeeyay ee naga soo gaaray Hotel-ka Kempinski ee ay degan yihiin Ergooyinka labada dhinac ayaa waxay sheegayaan in laga yaabo in ay labada dhinac yeeshaan kulamo fool-ka-fool ah, kuwaasi oo ay goob-joog ka noqon doonaan Qaramada Midoobay, Beesha Caalamka iyo Ergo ka socota Bulshada Rayidka Soomaaliyeed.

Wararku waxay intaas ku darayaan in ergooyinka labada dhinac ay inta badan ku heshiiyeen qodobo ay maalmihii tegay ka doodayeen, hayeeshee ay isku mari la’ yihiin qodob ku saabsan ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee Dalka Soomaaliya.

Ergada Isbaheysiga ayaa waxay ku dhegan tahay in waqti cayiman oo la isla ogyahay loo qabto ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya, halka Ergada Dowladdana ay taas bedelkeeda qabto in aan waqti loo qaban bixitaanka Ciidamada Itoobiya balse la yiraahdo Ciidamada Itoobiya waxay baxayaan marka ay Ciidamada Qaramada Midoobay yimaadaan.

Inkastoo aaney jirin cid xaqiijin karta natiijada ugu dambeysa ee wada hadalladaas hadana waxaa laga rajo qabaa in ay ergooyinka labada dhinac ku heshiin doonaan siiqeynta (the wording)  qodobkaas, iyadoo marka qodobkaas lagu heshiiyana ay wada hadallada soo geba-geboobi doonaan.

Rajada haatan laga soo sheegayo wada hadallada Jibouti ayaa waxay timid kadib markii uu shalay Ahmedou Ould-Abdalla uu sii daayay war aaney ku farxin Dad badan oo Soomaaliyeed, kaasi oo ahaa in aysan wanaagsaneyn muuqaalka Wada hadalladii todobaadka ka badan Jibouti uga socday dhinacyada Soomaalida.

Ugu dambeyntiina, waxaa la dhowrayaa waxyaabaha ka soo baxa wada hadallo waqti badan qaatay oo saacadihii la soo dhaafay u socday dhinacyada Soomaalida, Wakillada Beesha Caalamka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Jibouti.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia