Sabti, June 07, 2008(HOL): Warar naga soo gaaraya Magaalada Djibouti ee dalka Jibouti ayaa waxay sheegayaan in uu halkaas gaaray Janaraalka hoggaaminaya Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya kaasi oo lagu magacaabo Gen. Gabre.

Sarkaalka hoggaaminaya Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya jooga Gen. Gabre
Wararku waxay intaas ku darayaan in Janaraal Gabre uu tegay Hotelka Kempinski ee ay wada degan yihiin Ergooyinka Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, isagoo la sheegay in uu kulamo la qaatay ergada Dowladda Federaalka ee halkaas ku sugan.
Lama oga ilaa iyo haatan waxa uu Gen. Gabre u tegay Magaalada Jibouti, gaar ahaan Hotelka ay wada degan yihiin Ergooyinka labada dhinac, waxaase jira warar sheegaya in uu halkaas u tegay sidii uu xog-ogaal ugu noqon lahaa heshiiska la filayo in ay dhinacyada Soomaalida wada saxiixaan.
Tegitaanka Gen. Gabre ee Hotelka ay Ergooyinka Soomaalida degan yihiin ayaa waxaa dhici karta in ay mad-madow u keento wada hadallada ay Qaramada Midoobay soo qaban qaabisay ee ka socda Dalka Jibouti, iyadoo la xusuusan yahay in Ergooyinka Isbaheysiga Dib u xoreynta ay ka baxeen Seminaar ay ka qeybgelayaan kadib markii uu hoolka shirka ka xaadiray Safiirka Itoobiya u fadhiya Jibouti Danjire Shamsudiin Rooble.
Ugu dambeyntiina, Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Jibouti waxay sheegayaan in ergooyinka labada dhinac uu maanta qado sharaf u sameeyay Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle, iyadoo la filayo Madaxweyne Geelle uu halkaas ugu khudbadeeyo ergooyinka labada dhinac.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia