May-16-12
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 23, 2008
Dagaal dhaxmaray Police iyo Burcad South African ah oo ka dhacay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Mayfair

Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado.
Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan  u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka.

Kooxdan Burcadda ah ayaa waxay gaarayeen ilaa 10 Qofood, waxayna horay dhac ugu soo geysteeny Bangi weyn oo ku yaala Magaalada Johannesburg  ee Dalkan Koofur Afrika.

Xaafadda Mayfair  ayaa laga dareemay qal-qal badan iyadoo Dadka qaar ay u maleeyeen in dhibaatadii looga soo hor jeeday Dad ka soo Galootiga ah in ay dib uga bilaabatay Xaafaddaas.

Ciidamada Ammaanka ee Magaalada Johannesburg ayaa Dagaalkii kaga adkaaday Kooxdii Burcadda ahaa oo dhamantood gacanta lagu wada dhigay.

Afhayeen u hadlay Booliska ayaa sheegay in  Burcaddan In muddo ah lagu daba jiray iyagoo horey dhac uga geystay meelo kale oo ka mid ah dalkan South Africa.

Arintan ayaa muujineysa sida Policeku iskugu dayayo hanashada Ammaanka xili loo diyaar garoobayo Ciyaaraha Aduunka ee 2010 ka dhici doona Koofur Afrika, iyadoo Waddooyinka qaar lagu arkayo Isbaarooyin lagu baarayo Baabuurta iyo Police Wadada sharci ku weydiinayo Dadka, taasoo aan horay ugu badneyn Dalka Koonfurta Africa.

Saciid Cabdulle Herow Hiiraan Online
herow@hiiraan.com
Johannesburg, South Africa

23/06/2008 10:28 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha.

23/06/2008 10:14 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

23/06/2008 9:54 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka.

23/06/2008 5:52 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah.

23/06/2008 5:52 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho.

23/06/2008 5:51 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas.

23/06/2008 5:50 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed.

23/06/2008 5:49 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti.

23/06/2008 5:48 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne.

23/06/2008 5:47 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa. Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda.