4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 23, 2008
Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo is-hortaagay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ee Somaliland

Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda.

Waxaanan leeyahay waxan oo kale yaan loogu soo marmarsoonin diinteena, hana nalaga illaaliyo waxaan shareecada Islaamka waafaqsanayn.” Sidaa waxa yidhi, Maxamed Ismaaciil Faarax, oo ka mid ah Ardayda Jaamacadda ee is-hortaagay Xuskan. “Dhimashaanu ka xignaa in Hoolka Jaamacada lagu qabto, maalinta muusiga, mana ogolin, dawladduna naguma xukumi karto, sharciga Xukuumadda Rayaalena ka Illaahay ayaa ka wayn, oo ma ogola Muusigga” Waxa isna sidaa yidhi Maxamed Maxamuud Raage oo ka mid ah ardayda Jaamacadda.

Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo Weriyayaal Saxaafadda ahi kula kulmeen Hotel Hargeisa Club, oo ay Wasaaraddu u wareejisay, kuna qabatay Xafladda Xuska Maalinta Muusigga Adduunka, ayaa sheegay in ay markii hore Maamulka Jaamacadda Hargeysa u ogolaadeen inay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ku qabtaan Hoolka Jaamacadda, balse markii ay shalay galab ahayd inay Xafladdu bilaabanto, ay la kulmeen ardayda gadoodsan, loona sheegay inaan Xuska lagu qabanaynin Hoolka, oo ay ardaydu Imtixaan ku jirto. “Qolada Jaamacadda Hoolka waanu waydiisanay dhawr cisho ka hor, waanay noo ogolaadeen oo namay odhan Ardaydu Imtixaanaad bay ku jiraan. Sidaa darteed, baananu u qaadanay inay Ardaydu fasax ku jiraan.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin, imika markaanu ogaanay in ay Imtixaan ku jiraan Ardaydu waa nagan go’aanka deg-dega ah qaadanay, ee Xafladii ka soo wareejinay, waxaanuna go’aansanay inaanu Xafladdii Xuska Muusigga Adduunka ku qabano halkan (Hargeisa Club).”
Wasiirku wuxuu sheegay in Xuskani iyo Xafladda loo qabtay ay tahay mid salka ku haysa Hidaha iyo dhaqanka Umadda. “Xafladani waa Xafladan dhaqameed, oo ku salaysan wixii aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn, oo qolo waliba caalamka waxay leedahay dhaqan iyo hide u gaar ah. Markaa xaflada anagu aanu qabanaynay taas ayay ahayd, isla markaana waxay ahayd mid waafaqsan diinteena Islaamka” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku wuxuu ka garaabay inay Wasaarad ahaan khalad sameeyeen, isla markaana aanay ahayn inay Xafladda u qoondeeyaan in lagu qabto Jaamacadda. “Ardaydu waxoogaa Imtixaan ah bay ku jireen, anaga laftayaduna markaa khalad baanu leenahay oo Arday imtixaan ku jirta inaanu Xaflad dul geyno ma habboonayn.. Marka hore ayaan agaasinkayagu sax ahayn, oo cudur-daarkaan sheeganayaa waxa weeyaan kamaan warhaynin, ee waxaan moodaayay in ay Ardaydu fasax ku jirto kamanaanaan fiirsan” ayuu yidhi Wasiirku.

Maamulka Jaamacadda Hargeysa, oo markii hore ogolaanshaha siiyay Wasaaradda sida uu Wasiirku sheegay, ayaa haddana Warqad ay ku amrayso in la joojiyo Xafladdaa ku dhejisay Gidaarka Jaamacadda. Sidaa darteed, mar Wasiirka la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, sababta ay Wasaarad ahaan ugu hoggaansami waayeen Waraaqda ogaysiiska ah ee Gidaarka Maamulka Jaamacaddu ku dhejiyay, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Kolay bora-bagaando la buunbuuniyay ayaa jirta, oo Masaajida ayay wadaadadu Jimcihii dhawayd ka sheegeen. Markaa waxaan leeyahay anagu Wasaarad ahaan waxaanu qabanaynay waa wax dhaqankeena ku salaysan. Marka la arko ayaanay dadweynu ka garsoori doonaan hadii illaahay yidhaahdo.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Wasiirku, “Waxaanu filaynaa inay si wanaagsan noogu dhacdo. Sidoo kalena waxaanu rabnaa inaanu TV-yada ku soo ban-dhigno, si dadweynuhu u daawado, ugana garsooro waxa ay tahay (Xafladdu).”

Maamulka Jaamacadda Hargeysa, oo Wasiirku sheegay in ay iyaga ogolaanshaha ka heleen in Xuska lagu qabto Hoolka Jaamacadda, oo wax laga waydiiyay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo. “Hadda waxaanu ka odhanaynaa ma jirto arrintan, sidaad u arkaysaan ayaanu u arkaynaa, berri (maanta) ayaanu ka hadlaynaa hadii illaahay yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof. Cabdi Haybe Cilmi.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa isaga iyo Ciidan uu wataa ay Jaamacadda yimaadeen shalay galab waqtigii isu-soo baxa Ardaydu socday, inkasta oo markii dambe Ciidankii iska noqdeen oo laga celiyay Jaamacadda. “Ardayduna waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaanu waxbarashadayadii wadano, waana mid meesha ku jirta, taas ayaana keentay is faham la’aanta. Haddase way dhamaatay, ciidamadiina waanu celinay, wax dhibaato ahina ma jiraan.” Ayuu yidhi Taliyuhu.

Maalintii Jimcihii ayaa badi Masaajidada Hargeysa waxa lagaga hadlayay Munaasibadda Xuska Maalinta Muusigga Adduunka oo ay Wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanku hore u shaacisay in lagu qaban doono Hargeysa, isla markaana laga xusi doono Somaliland. Taas oo ay Wasaaraddu ku tilmaantay guul u soo hoyatay Somaliland, hase ahaatee, Culima’u-diinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, ayaa ka dayriyay Xuskan, islamarkaana ku tilmaamay mid ka hor imanaysa Diinta Islaamka.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland