Wararka Maanta- Isniin, Jun 23, 2008


Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo is-hortaagay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ee Somaliland

Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ardayda Jaamacada Hargeysa ayaa is-hortaagay Munaasibad la doonayay in lagu xuso Maalinta Muusigga Adduunka oo loo qoondeeyay in lagu qabto Hool Jaamacadda Hargeysa.
Munaasibaddan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, ayaa baaqatay ka dib markii ay Ardayda Jaamacaddu Isu-soo bax salmi ah oo ka dhacay isla Jaamacadda Hargeysa ku hor-joogsadeen Xuskan. Iyaga oo ardaydu rafacay ama guray Kuraastii Hoolka Jaamacadda, isla markaana fujiyay Sawiradii loogu talo galay Munaasibaddan. “Waxaanu diidanahay oo aanu ka soo horjeednaa wixii dhaqankeena iyo diinteena ka soo horjeeda.

Waxaanan leeyahay waxan oo kale yaan loogu soo marmarsoonin diinteena, hana nalaga illaaliyo waxaan shareecada Islaamka waafaqsanayn.” Sidaa waxa yidhi, Maxamed Ismaaciil Faarax, oo ka mid ah Ardayda Jaamacadda ee is-hortaagay Xuskan. “Dhimashaanu ka xignaa in Hoolka Jaamacada lagu qabto, maalinta muusiga, mana ogolin, dawladduna naguma xukumi karto, sharciga Xukuumadda Rayaalena ka Illaahay ayaa ka wayn, oo ma ogola Muusigga” Waxa isna sidaa yidhi Maxamed Maxamuud Raage oo ka mid ah ardayda Jaamacadda.

Wasiirka Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, oo Weriyayaal Saxaafadda ahi kula kulmeen Hotel Hargeisa Club, oo ay Wasaaraddu u wareejisay, kuna qabatay Xafladda Xuska Maalinta Muusigga Adduunka, ayaa sheegay in ay markii hore Maamulka Jaamacadda Hargeysa u ogolaadeen inay Xuska Maalinta Muusigga Adduunka ku qabtaan Hoolka Jaamacadda, balse markii ay shalay galab ahayd inay Xafladdu bilaabanto, ay la kulmeen ardayda gadoodsan, loona sheegay inaan Xuska lagu qabanaynin Hoolka, oo ay ardaydu Imtixaan ku jirto. “Qolada Jaamacadda Hoolka waanu waydiisanay dhawr cisho ka hor, waanay noo ogolaadeen oo namay odhan Ardaydu Imtixaanaad bay ku jiraan. Sidaa darteed, baananu u qaadanay inay Ardaydu fasax ku jiraan.” Ayuu yidhi Wasiirku. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Laakiin, imika markaanu ogaanay in ay Imtixaan ku jiraan Ardaydu waa nagan go’aanka deg-dega ah qaadanay, ee Xafladii ka soo wareejinay, waxaanuna go’aansanay inaanu Xafladdii Xuska Muusigga Adduunka ku qabano halkan (Hargeisa Club).”
Wasiirku wuxuu sheegay in Xuskani iyo Xafladda loo qabtay ay tahay mid salka ku haysa Hidaha iyo dhaqanka Umadda. “Xafladani waa Xafladan dhaqameed, oo ku salaysan wixii aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn, oo qolo waliba caalamka waxay leedahay dhaqan iyo hide u gaar ah. Markaa xaflada anagu aanu qabanaynay taas ayay ahayd, isla markaana waxay ahayd mid waafaqsan diinteena Islaamka” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku wuxuu ka garaabay inay Wasaarad ahaan khalad sameeyeen, isla markaana aanay ahayn inay Xafladda u qoondeeyaan in lagu qabto Jaamacadda. “Ardaydu waxoogaa Imtixaan ah bay ku jireen, anaga laftayaduna markaa khalad baanu leenahay oo Arday imtixaan ku jirta inaanu Xaflad dul geyno ma habboonayn.. Marka hore ayaan agaasinkayagu sax ahayn, oo cudur-daarkaan sheeganayaa waxa weeyaan kamaan warhaynin, ee waxaan moodaayay in ay Ardaydu fasax ku jirto kamanaanaan fiirsan” ayuu yidhi Wasiirku.

Maamulka Jaamacadda Hargeysa, oo markii hore ogolaanshaha siiyay Wasaaradda sida uu Wasiirku sheegay, ayaa haddana Warqad ay ku amrayso in la joojiyo Xafladdaa ku dhejisay Gidaarka Jaamacadda. Sidaa darteed, mar Wasiirka la waydiiyay su’aal nuxurkeedu ahaa, sababta ay Wasaarad ahaan ugu hoggaansami waayeen Waraaqda ogaysiiska ah ee Gidaarka Maamulka Jaamacaddu ku dhejiyay, ayaa waxa uu ku jawaabay, “Kolay bora-bagaando la buunbuuniyay ayaa jirta, oo Masaajida ayay wadaadadu Jimcihii dhawayd ka sheegeen. Markaa waxaan leeyahay anagu Wasaarad ahaan waxaanu qabanaynay waa wax dhaqankeena ku salaysan. Marka la arko ayaanay dadweynu ka garsoori doonaan hadii illaahay yidhaahdo.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi Wasiirku, “Waxaanu filaynaa inay si wanaagsan noogu dhacdo. Sidoo kalena waxaanu rabnaa inaanu TV-yada ku soo ban-dhigno, si dadweynuhu u daawado, ugana garsooro waxa ay tahay (Xafladdu).”

Maamulka Jaamacadda Hargeysa, oo Wasiirku sheegay in ay iyaga ogolaanshaha ka heleen in Xuska lagu qabto Hoolka Jaamacadda, oo wax laga waydiiyay arrintan, ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo. “Hadda waxaanu ka odhanaynaa ma jirto arrintan, sidaad u arkaysaan ayaanu u arkaynaa, berri (maanta) ayaanu ka hadlaynaa hadii illaahay yidhaahdo.” Sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaamacada Hargeysa Prof. Cabdi Haybe Cilmi.

Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubbad, ayaa isaga iyo Ciidan uu wataa ay Jaamacadda yimaadeen shalay galab waqtigii isu-soo baxa Ardaydu socday, inkasta oo markii dambe Ciidankii iska noqdeen oo laga celiyay Jaamacadda. “Ardayduna waxay yidhaahdeen waxaanu doonaynaa inaanu waxbarashadayadii wadano, waana mid meesha ku jirta, taas ayaana keentay is faham la’aanta. Haddase way dhamaatay, ciidamadiina waanu celinay, wax dhibaato ahina ma jiraan.” Ayuu yidhi Taliyuhu.

Maalintii Jimcihii ayaa badi Masaajidada Hargeysa waxa lagaga hadlayay Munaasibadda Xuska Maalinta Muusigga Adduunka oo ay Wasaaradda Dalxiiska iyo dhaqanku hore u shaacisay in lagu qaban doono Hargeysa, isla markaana laga xusi doono Somaliland. Taas oo ay Wasaaraddu ku tilmaantay guul u soo hoyatay Somaliland, hase ahaatee, Culima’u-diinka Somaliland, gaar ahaan Hargeysa, ayaa ka dayriyay Xuskan, islamarkaana ku tilmaamay mid ka hor imanaysa Diinta Islaamka.

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
barqad@hiiraan.com
Hargeysa, Somaliland

 

Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo si axmaqnimo ah u garaacay Weriye

6/23/2008 10:28 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Qaar ka tirsan Askarta Ilaalada Madaxtooyada Somaliland ayaa shalay duhurkii siday u garaacayeen dhulka ugu tuuray Wariye Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo ka tirsan Wargeyska Ogaal, kaasoo xiligaas oo uu baxayay Madaxweyne Rayaale, halkaas u tagay gudashada waajibaad shaqo oo la xidhiidhay safarka Madaxweynaha.

Dagaal dhaxmaray Police iyo Burcad South African ah oo ka dhacay Xaafadda Soomaalidu u badan tahay ee Mayfair

6/23/2008 10:27 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Saakay Aroornimadii ayaa lagu waabaristey Dagaal Culus oo u dhaxeeya Ciidamada Booliska Dalkan South Africa iyo Koox Tuugo ah oo ku hubeysnaa Bistoolado. Dagaalkan ayaa socdey qadar daqiiqo ah oo xabado la is-dhaf saday. Kooxdan Burcadda ah oo watay 2 gaari ayaysan u suura galin in ay fakadaan maadaama ay Policeku u yerteen Ciidamo Gurmad ah iyo Diyaaradaha Helicopters-ka.

Digreeto uu soo saaray ku-simaha Madaxweynaha Somaliland

6/23/2008 10:14 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Ku-simaha Madaxweynaha Somalilnad ,ahna Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu ku dhaqangelinayo lifaaqa wax-ka-bedelka iyo kaabista xeerka Diiwaan gelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka ee xeerka Lambar 37/2007, oo toddobaadkan gudihiisa ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland.

Madaafiic lagu weeraray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

6/23/2008 9:54 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu weeraray Madaafiic Hoobiyayaal ah, kuwaasi oo ay qaarkood gudaha u galeen Garoonka.

Hoggaamiye sare oo Ururka Al-Qaacidda ka tirsan oo ugu baaqay Xoogagga dagaalka kala soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan

6/23/2008 5:52 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hoggaamiye sare oo ka tirsan Ururka Al-Qaacidda ayaa ugu baaqay Xoogagga Dagaalka kala soo horjeeda CIidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya in ay dagaalka sii wadaan, ilaa ay Ciidamada Itoobiya ka baxaan Soomaaliya, isla markaana Soomaaliya la dhiso Dowlad Islaami ah.

Hay'adda UNHCR oo dalbatay in la sii daayo Sarkaalka u shaqeynayay oo habeen hore la af-duubtay

6/23/2008 5:52 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo loogu yeero UNHCR ayaa waxay dalbatay in si shuruud la'aan loo sii daayo Sarkaal u shaqeynayay oo qaabilsan Xafiiskeeda Muqdisho.

Nin Fallaaro ku hubeysay oo xalay Nin Rayid ah ku dilay Magaalada Marka

6/23/2008 5:51 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Xaafadda Buulo-Jaan ee ku taala Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa habeenki xalay ahaa waxaa ka dhacay dil aan horay loo arag, kaasi oo loo adeegsaday Fallaaro, waxaana dilkaas loo geystay Nin caan ka ahaa Magaaladaas.

Bambo gacmeed lagu tuuray Shineemo ku taala Magaalada Baydhabo oo dhimasho iyo dhaawac sababtay

6/23/2008 5:50 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Hal Ruux ayaa geeriyooday Afar kalena dhaawac ayaa soo gaaray kadib markii Shineemo ay ku jireen oo ku taala Magaalada Marka lagu tuuray Bambo Gacmeed.

Madaxweyne Rayaale oo safar kedis ah ugu kicitimay Jabuuti

6/23/2008 5:49 AM EST
Isniin, 23 June 2008 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ayaa maanta socdaal aan hore loo sii shaacin ugu kicitimay Dalka Jabuuti.

Canbaareyn loo jeediyay kooxihii ka danbeeyay dilkii Magaalada Beledweyne loogu geystay Madaxii Xarunta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe.

6/23/2008 5:48 AM EST
Isniin, June 23, 2008(HOL): Qoraal ah oo ay si weda jir ah ay u soo saareen Hay'addaha u dooda Xuquuqda Aadanaha iyo kuwa ka shaqeeya Samafalka ayaa siweyn loogu canbaareeyay dilkii maalintii shalay kooxo hubeysan u geysteen Madaxii Xaruta Cilmi Baarista iyo wada tashiga CRD ee Gobalada dhexe Eng. Max'ed Xasan Kulmiye oo maanta lagu aasay duleedka Magaalada Beledweyne.

UN Somalia Calls for Immediate Release of UNHCR Staff -UNHCR

6/23/2008 3:23 PM EST
On the second day following the abduction of Mr Hassan Mohamed Ali ‘Keynan’, the UN Resident Humanitarian Coordinator for Somalia calls for his immediate and safe release.

Senior Al-Qaedi Member Calls on Somalia Islamists to Continue their Struggle -HOL

6/23/2008 12:12 PM EST
Mogadishu, Somalia (HOL) - A senior Al-Qaeda officern has called upon the forces that are opposed to the Transitional Federal Government (TFG) and the presence of Ethiopian troops in Somalia to continue their struggle until Ethiopian troops withdraw from Somalia and an Islamic government is set up in Somalia.

Mogadishu Airport Under Mortar Attacks -HOL

6/23/2008 11:52 AM EST
Mogadishu, Somalia (HOL) - Adam Ade International Airport in Mogadishu has come under heavy mortar shelling today. Some of the shelling landed inside the airport while several others landed nearby areas such as the former Mogadishu Technical School. So far one person has died and four other were wounded as a result of the shelling.

Al-Qaida urges militants to fight planned UN forces in Somalia -AP

6/23/2008 11:45 AM EST
CAIRO, Egypt (AP) - An al - Qaida spokesman has urged militants in Somalia to fight a United Nations peacekeeping force slated to be deployed there.

Yemen President receives letter from Somalia leader -Saba

6/23/2008 11:41 AM EST
SANA'A, June 23 (Saba)- President Ali Abdullah Saleh received on Monday a letter from Somali President Abdullah Yosuf on current situation in Somalia and efforts of reconciliation among Somalia factions as well as bilateral relations between the tow countries.

Meet the world's second tallest man -SwindonAdvertiser

6/23/2008 11:33 AM EST
TALL tales come from men of all sizes. But this man's horrific stories have to be heard to be believed. Hussein Bassad, who is the second tallest man in the world at 7ft 8.9ins, was in Swindon to promote a National Refugee Week event at Swindon's Pilgrim Centre.

Former Somali Air Force Pilot, Who refused to bomb civilians in Hargiesa -Qaran

6/23/2008 11:26 AM EST
Hargeisa (QARAN) - Ahmed Mohamed Hassan, a former Somalia Air Force pilot who refused an order to bomb the civilian residents of Hargeisa in 1988 and instead decided to defect to Djibouti returned to Hargeisa after 20 years overseas. The following are excerpts of an interview Ahmed Mohamed gave to Ogaal newspaper recently whilst staying at Imperial Hotel in Hargeisa.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter