Arbaco, July 30, 2008(HOL): Xildhibaano ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay shir ku yeesheen magaalada Baydhabo, waxayna shirkoodaas ka soo saareen go’aan ay ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka.
Shirka ay isugu yimaadeen Xildhibaannadan oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa waxaa kale oo ka qeybgalay Odayaal iyo Waxgarad ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle.
Kulankaas waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade iyo Xildhibaan Maxamed Xuseen Isaaq Afaraale, waxayna dhammaantood iclaamiyeen in ay Beelaha Digil iyo Mirifle la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab.
Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed Ibraahim Xaabsade oo kulankaas kadib saxaafadda la hadlay ayaa wuxuu sheegay in ay go’aan ku gaareen in ay la dagaallamaan Xoogagga Al-Shabaab, wuxuuna intaas ku daray in ay kulanka isugu yimaadeen markii sida uu yiri ay u dulqaadan waayeen dhaqdhaqaaqyo iyo falal nabadgelyo darro ah oo ay Deegaannada Digil iyo Mirifle ka wadaan Xoogagga Al-Shabaab.
Xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegay in Xoogagga Al-Shabaab ay yihiin kuwo doonaya sida uu hadalka u dhigay inay xoog wax ku qabsadaan, wuxuuna ku eedeeyay inay dad badan u dileen sabab la xiriirta in ay fikirkooda ka soo horjeedaan, “Dadkii waa dhameeyeen, waxayna doonayaan in Bastoolad ku qabsadaan dalka Soomaaliya iyagoo ka been sheegaya Diinta Islaamka”ayuu yiri Xildhibaan Xaabsade oo intaas ku daray in Diinta Islaamka aysan ogoleynin in dadka macno darro loo dilo.
“Dadkii badankiis intey taleefoonno ka waceen ayay dalka barakiciyeen, dad badan oo masjid ka soo baxay ayay dileen, marka ma waxaan dhihi karnaa waxay wadaan Diin”ayuu Xildhibaan Xaabsade hadalkiisa ku sii daray.
Shirka Xildhibaannadan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay cabsi darteed isu casileen mas’uuliyiin dhowr ah oo madax ka ahaa Degmooyinka Gobolka Bay, iyadoo sidoo kalena weerarro lagu qaaday guryo ay Baydhabo ka degan yihiin Xildhibaanno ka soo jeeda Beelaha Digil iyo Mirifle oo Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia