Maamulka Puntland oo sheegay in uu Dib ula wareegi doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool

Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi Siciiid Samatar
Isniin, July 13, 2008(HOL): Maamulka Dawlada Goboleedka Puntland ayaa sheegay in dib gacantood ay ugu soo celin doonaan Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo ay iminka ka taliyaan Maamulka Somaliland.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi Siciiid Samatar oo shalay ka qayb kulan looga hadlayay difaaca Puntland ayaa sheegay in Maamulka Puntland ay ka go,an tahay sidii uu ula wareegi lahaa Magaalada Laascaano ee Xarunta u ah Gobolka Sool.

"Waxaa nagu ceeb ah haddii aan nahay Puntland in dhulkeena ay ku sugan yihiin Dad dano gaar ah leh, waxaana muqadas ah in Laascaanood aan dib u soo celino " Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Amniga Puntland oo ka hadlayay kulan looga hadlayay difaaca Puntland oo ka dhacay Magaalada Boosaaso.

Dhinaca kale Madaxwaynaha Dawlad Goboleedka puntland Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo maalmo ka hor soo gaaray Magaalada Boosaaso ayaa ka dhawaajiyay in Puntland ay bilaabi doonto qorshayaal ku aadan difaacidda dhulkeeda, isagoo intaasi ku daray in la adkayn doono Xuduudaha Puntland ay la wadaagto Maamulka Somaliland.

Maamulka Puntland ayaa bilaabay dhaqdhaqaaqyo Miletri oo uu ka samaynayo Deegaanno hoos yimaad Gobolka Sanaag, si loo sugo amniga Puntland.

Rajada Puntland ee ku aadan dib ula wareegida laascaanood oo baryahanba ahayd mid si xawli ah ku soo baxaysay ayaa hadana hadalka ka soo yeeray Maamulka Puntland waxaa uu ku soo beegmayaa , xilli Laascaanood ay ku suganyihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Somaliland.
 
Faysal Maxamed Xasan (Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia