Talaado, July 01, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay sheegayaan in Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee beryahan ku sugnaa Degmadaas ay halkaas isaga soo guureen.
Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamadan oo watay Gaadiid Dagaal iyo Mid Xamuul ay u soo jiheysteen dhinaca Gobolka Hiiraan, inkastoo aan ka bixitaankooda Degmada Guriceel aan la ogeyn waxa ay salka ku heyso.
Ciidamada Itoobiyaanka ayaa muddo seddex maalmood ah oo ay Degmada Guriceel ku sugnaayeen waxa seddexda maalmoodba lagu qaadayay weerarro uga imaanayay dhinaca Kooxo hubeysan, iyagoo kadibna duqeynayay Degmada Guriceel oo markii ay duqeyntaas ku bilaabatay ay ka carareen dad badan oo ku noolaa.
Dad badan oo Degmada Guriceel duleedyadeeda ku noolaa, isla markaana ay xaalad nolol xumo ah ku heysay ayaa haatan waxay bilaabeen in ay dib ugu soo noqdaan guryahooda, inkastoo ay jiraan Dad aan weli soo noqon oo baqo-carar ku gaaray Degmooyin ay ka mid ah Degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta u ah Gobolka Galgaduud.
Ciidamadan Itoobiyaanka ah ee ka baxay Degamda Guriceel ayaa markoodii hore waxay ka baxeen dhinaca Magaalada Beledweyne, iyadoo ilaa iyo haatanna aan la ogeyn ujeedada ka dambeysa socdaalkii ay ku tageen Degmadaas oo aan wax dhibaato ah laga soo sheegin.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia