4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jan 4 , 2008
Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo soo dhisay Xukuumad aad uga tiro yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya

Jimco, January 04, 2008(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa goor dhaweyd wuxuu ku dhawaaqay xubnaha Xukuumad aad uga tiro yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha oo maalmihii aynu ka soo  gudubnay ku howlanaa la-tashiyo uu la yeelanayay  Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa wuxuu ugu dambeyntii ku dhawaaqay xubno Gole Wasiirro ah oo 15 xubnood ka kooban, kuwaasi oo qeyb ka ah Xukuumad 18 Wasiir ka kooban oo maalmihii la soo dhaafay la hadal hayay in uu ku dhawaaqayo Ra’iisal Wasaaraha.

Xukuumadda uu soo dhisay Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa waxaa ku jira xubno aan ku jirin Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo loo magacaabay xilal muhiim ah, iyadoo dhinaca kalena aysan soo gelin xubno ka muuqan jiray Xukuumadihii horay u soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) iyo Wasiir ku xigeenkii Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle.

Ilaa seddex Wasaaradood ayuusan ku dhawaaqin Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo loo qaatay in magacaabistooda ay u baahan tahay la-tashiyo dheeraad ah, waxaana wasaaradaha harsan ka mid ah Caafimaadka, Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Bii'ada.

Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu horay u soo magacaabay Xukuumad ka koobneyd 73 Wasiir, taasi oo ay Beesha Caalamka  si weyn u dhaliishay tiro badnideeda iyo tayo la’aanteeda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Xukuumaddaas xubnaheeda u badnaayeen Xukuumaddii hore ee uu Guddoomiyaha ka ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

WASIIRRADA

1- Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow = Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Garsoorka =Digil Jiiddo

2-Xildhibaan Caydiid C/llahi Ilka Xanaf =  Ra’isu wasaare ku xigeen  ahna Wasiirka Waxbarasahada iyo hiddaha =Dir/Isaaq/Habar Yoonis.

3-Axmed C/salaan  Xaaji Aadan = Ra’isu wasaare ku xigeen  ahna Wasiirka Warfaafinta, Arrimaha dhalinyarada iyo Isboortiga=Hawiye/Habargedir Ceyr  

4-Muxiyidiin Max’ed Xaaji Ibraahim =Wasiirka Gaashaandhiga=Dir/Biimaal

5-Xidhibaan Xuseen Ceelabe Faahiye =Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska =Dir/Gada biirsi. 

6-Max’ed Cali Xaamud = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta

7-Xildhibaan Max’ed Ibraahim Xaabsade =Wasiirka Gaadiidka, Duulimaadka iyo Dekadaha Mirifle/Leysaan.

8-Xildhibaan Muuse Nuur  Amiin = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka =Hawiye/Gaaljecel Barsane

9-Xildhibaan Cali Axmed Jaamac Jengeli =Wasiirka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Daarood Dhulbahante

10-Max’ed Cali Saalax Kaange = Wasiirka Macdanta iyo Tamarta =Daarood Warsangeli.

11-Xildhibaan Mustaf Sh. Cali Dhuxulow=Hawiye/Murasade =Wasiirka Beeraha, Biyaha iyo Horumarinta,

12-Nuur Iidow Beyle = Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha = Hawiye/Xawaadle Cali Madaxweyne.

13-C/risaaq Ashkir Cabdi = Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Federalka= Daarood/Mariixan.

14-Xildhibaan Cabdi Max’ed Tarrax=Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta =Daarood/Ogaadeen

15-Xildhibaan Khadiijo Max’ed Diiriye =Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Beesha Shannaad/Yaxar. 

WASIIR KU XIGEENADA

1-Xildhibaan C/kariin Axmed Cali =Wasaarada Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga =Hawiye/Baada Cadde.

2-Xildhibaan Carab Cali Diiriye  = Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka Dir/Isaaq/ Habar Jeclo.

3-Xildhibaan Cali Muumin Ismaaciil = Wasiirka Maaliyada iyo Qorshaynta =Daarood/Leelkase.

 4-Xildhibaan Fahma  Axmed Nuur  = Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Beesha Shannaad/Reer Xamar.

5-Xildhibaan C/kaafi Macalin Xasan= Wasiirka Howlaha Guud, Dib u dhiska iyo Kaabiyaasha =Digil/ Garre. 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa wuxuu ku dhawaaqay Xukuumaddiisa iyadoo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf uu maanta socdaal deg deg ah ugu amba baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo socdaalkiisana ay ka soo baxeen warar kala duwan oo qaarkood ay sheegayaan in Madaxweynaha arrimo caafimaad dartood loogu qaaday Addis Ababa, halka Afhayeenkiisa Xuseen Maxamed Maxamuud Xuub-sireed oo aan la xiriirnayna uu sheegay in uu madaxweynaha howlo shaqo u aaday Dalka Itoobiya, uuna caafimaadkiisa wanaagsan yahay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia