Axad, January 27, 2008(HOL): Xaafado u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa maanta mar kale waxaa lagu garaacay Madaafiic hoobiyayaal ah, iyadoo madaafiicdaasna ay sababeen dhimasho iyo dhaawac.
Madfac ku dhacay guri ku yaala Xaafadda Afisyooni oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa ku dhintay seddes ruux oo kala ahaa Hooyo iyo labo Canug oo ay dhashay, halka lix ruux oo kale oo la deris ahaana uu dhaawac soo gaaray.
Madfac kale oo ku dhacay xaafadda Taleex ee degmada Hodan ayaa lagu soo waramayaa in uusan wax khasaare ah geysan marka laga reebo gurigii uu ku dhacay oo uu burbur gaarsiiyay.
Madaafiicdan khasaaraha geystay ayaa marka lagu tuurayay Xaafadaha u dhow garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa halkaas ka dhoofayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Xubno ka tirsan Golahiisa Wasiirrada, kuwaasi oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Muqdisho.
Dhawaan ayay ahayd markii Madaafiic Hoobiyayaal ah oo ku dhacay Xaafad u dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho uu ku dhintay canug yar, halka ay ku dhaawacmeen 2 canug oo kale, waxaana xusid mudan in xiliga ay madaafiicdaas ku dhacayeen Garoonka ay ka soo degayeen Wafdi ka socday Midowga Afrika oo uu hogaaminayay U qeybsanaha Midowga Afrika ee dhinacyada Ammaanka iyo Nabadda Mr. Saciid Djinnit.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku soo badanaya madaafiicda hoobiyayaasha ah ee lagu tuuro xaafadaha iyo weliba qaraxyada ka dhasha Miinooyinka Waddooyinka lagu aaso, iyadoo shalay ay ahayd markii Kolonyo Gaadiid ah oo ay la socdeen Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan ay ku qaraxday Miino loogu aasay agagaarka Dugsigii sare ee Booliska, iyadoo halkaasina ay ku dhaawacmeen seddex Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda waa sida uu sheegay Afhayeenka Ciidamada Amisom Captain Bridge Bhuko.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia