MADAXWEYNE C/LLAAHI YUUSUF: “Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan oo Dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga ay xoog ku qabsadaan”

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Talaado, January 01, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalintii shalay ahayd dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu magaalada  Baydhabo ku qabay shir jaraa’id oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin Xaaladdiisa Caafimaad, Tayada Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, Xaaladda Magaalada Muqdisho iyo Xiisadda ka taagan Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool.

Madaxweyne Yuusuf oo markii uu shirka jaraa’id qabanayay ay dhinacyadiisa fadhiyeen Guddoomiyaha Baalamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ayaa  wuxuu sheegay  in caafimaadkiisa  uu wanaagsan yahay, isla markaana muddo todobaadyo ah lagu soo daweeyay Isbitaal ku yaala Magaalada London ee Dalka Ingiriiska, “Saxaafadaha Caalamka ayaa waxay qorayeen in uu caafimaadkeyga aad u liito, qaar waxay sheegayeen in aanan soo noqoneyn, kuwana waxayba sheegeen in aan socday (dhintay), balse hadda waxaad u jeedaan in aan wanaagsan yahay oo aan soo laabtay”ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in uu haatan dib u sii amba qaadayo howshii qabyada ka ahayd dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay Xukuumadda uu soo dhisayo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde oo ah Xukuumad aad uga tiro-yar Xukuumadihii soo maray Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Xukuumaddaas oo ka kooban 18 wasiir iyo 5 wasiir ku xigeen ay noqon doonto mid xul ah oo dhibaatada ka saarta Dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Yuusuf wuxuu soo hadal qaaday xaaladda magaalada Muqdisho iyo dagaallada ka dhacaya, wuxuuna sheegay in haatan wixii ka dambeeya ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii ay u xasilin lahayd caasimadda Muqdisho, isla markaana ay dadkii ka barakacay dib ugu soo noqon lahaayeen.

“Sanad buuxa ayaa laga joogaa markii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya tagtay Magaalada Muqdisho, intaas waxaa dhacayay dagaallo,  iyadoo halka lagu dagaalamayayna ay tahay meel ay dad ku nool yihiin oo aan ahayn meel bannaan ah, hadda wixii ka dambeeya laga yeeli maayo in ay macno darro dadka ku dhameeyaan kooxaha dagaallada ka wada Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf.

Sidoo kalena Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu ka hadlay xiisadda ka taagan magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool, wuxuuna sheegay in aan maamulka Somaliland laga yeeli doonin in ay xoog ku qabsadaan dad gobolladooda jooga, “Dowlada Federaalka iyo qof kasta oo muwaadin ah midna yeeli-mayo in Soomaaliya la kala gooyo, Nimanka soo duulay oo Maamulka Riyaale uu hoggaaminayo  laga aqbali-mayo dalka in ay kala gooyaan, lagana aqbali-mayo dad Soomaali ah oo gobolladooda jooga in ay xoog ku qabsadaan, dabadeedna iyagoo raba in ay xoog ku go’aan in ay la go’aan laga yeeli-mayo”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo sheegay in uu rajeynayo in uu maamulka Somaliland Ciidamadiisa la baxo oo uu wax fahmo.

Waa markii ugu horeysay oo uu madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed uu si kulul uga hadlo xiisadda ka taagan Gobolka Sool tan iyo markii loo doortay madaxweynenimada Soomaaliya, wuxuuna hadalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo ciidamo u daacad ah maamulka Somaliland uu dhawaan la wareegay gacan ku heynta magaalada Laas-caanood ee Gobolka Sool.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia