Jendayi Frazer oo ilaalo hubeysan wadata oo lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa
Arbaco, February 06, 2008(HOL): Gudoomiyaha Siyaasadda ee xisbiga UDUB, Cumar Jaamac Faarax, ayaa ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye, inay sawir aan wacnayn ka bixiyeen Somaliland markii ay kulanka la lahaayeen Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka u qaabilsan Afrika Jendayi Frazer.

Cumar Jaamac, oo manta War-saxaafadeed Hargeysa, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay ayuu kaga hadlay kulankii dhex maray Jendayi Frazer iyo Xisbiyada, waxana uu KULMIYE ku eedeeyay inay mugdi geliyeen in doorashooyinkii Golayaasha deegaanka iyo madaxtooyadu ay ka qabsoomayaan dalka.
War-saxaafadeedkaas ayaa qayb ka mid ahi waxay u dhignayd sidan:
“Sida aynu la wada soconno waxa booqosho ku timid dalka Somaliland 03/02/08, Wasiirka Africa u qaabilsan dawladda Maraykanka (Assistant Secretary of state for African Affairs) Dr Jendayi Frazer. Waxay ahayd fursad aad u qaali ah in Wasiir ka socda dawladda Maraykanku yimaado dalka Somaliland iyadoo ka jawabaysa martiqaadkii madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland u fidiyey dhowaan markay isku arkeen wadankaeeda,si ay aragto xaalada dhabta ah ee ka jirta dalka. Jandayi waxay la kulantay Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka xubno ka socda golaha Wasiirada, Xisbiyada dalka.
Waxan halkan kaga hadlayaa wada hadalkii ay Xisbiyadu la yeesheen iyo farriinta aanu u gudbinay wefdiga. Waxa qof kasta oo muwaadin ahi filayaa in xisbiyadu ay u tartamayaan sidii Somaliland u noqon lahayd qaran madax bannaan oo beesha caalamka ka mid noqda. Waxay ahayd in wefdiga loo muujiyo sida aynu uga midaysan nahay qadiyada Somaliland iyo aqoonsigeeda iyo in muxaafid iyo mucaaridba si u wada iibgeeyaan sidii dalkeenu aqoonsi u heli lahaa. Waxan aad uga xumahay inaan maanta xuso in Xisbiga Kulmiye kala hadlay wefdiga markiiba arrimihii gudaheena ahaa ee aanu hore ugu murmi jirey. Waxa xisbigu markiiba hadalkiisa ku bilaabay:-
-In aan dawladdu ku dhaqmin miisaaniyadii sanadkii hore oo khilaaf ka jirey
-In Xukuumaddu is hortaagto sharciyada ka soo baxa golaha wakiilada
-In lagu tunto xuquuqul insaanka
-In si sharci darro ah loo xidhxidho saxaafada
-In si sharci darro ah loo xidhay qoladii qaran
-In xukuumadu ka dhigtay suuqi ganacsiga mid cid gaar ah u xidhan( Monopoly).
-In doorashada ay ka qabaan dareen ah inaanay qabsoomi doonin.
Madaxweynuhu markuu soo noqday waxba nooma sheegin ee fadlan noo sheeg waxii uu idin kala hadlay
Doodahaasi oo dhammi waxay sawir aan wanaagsanayn ka bixinayaan Somaliland oo macnaheedu tahay yaan lana aqoonsan wax badan ayaa naga xune.
Ma xusin waxa badan ee wanaagsan ee Somaliland u qabsoomay haba-yaraatee. Bal dadka reer Somaliland ayaan u dhaafayaa waxii ay ka codsan lahaayeen iyo sida ay u kala horreysiin lahaayeen baahiyahooda. Iyadoo dawladdii adduunka ugu awooda weynayd oo u timi, waxa ay weydiisan lahaayeen iyagoo haysta waqti kooban oo ah toban daqiiqadood.
Waxan aad ugu mahad celinayaa Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID oo isagu halkaa ka caddeeyey inaanay ahayn meel aanu maanta wax iska sheegno ee aanu u nimi halkan sidii aanu uga hadli lahayn qadiyada aqoonsiga iyo hurumarinta Somaliland”.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland