4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 28, 2008
Laba nin oo Safar Baaskiil ah ku maraya Dunida oo Magaalada Hargeysa yimid


Khamiis, February 28, 2008(HOL): Mr. Daisuke Nakanishi oo u dhashay wadanka Japan iyo Mr. John Martin Graham oo u dhashay wadanka Kanada oo ah laba nin oo muddo sannado ah dunida Baaskeel ku marayay ayaa shalay soo gaadhay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Mr. Daisuke oo safarkiisa baaskeelka ah ee uu dunida ku marayo bilaabay sannadkii 1998-kii iyo Mr. John oo isna socdaalkiisa bilaabay sannadkii 2006, ayaa waxa ay safarkoodan hadda kaga soo ambo baxeen magaalada Addis Ababa ee caasimadda Itoobiya, iyaga oo shalayna ka soo gudbay xuduudka Wajaale ee Somaliland iyo Itoobiya, “Anigu safarkayga waxaan bilaabay sannadkii 1998-kii, waxaanan ka bilaabay magaalada Osaka ee wadanka Japan. Tobankaas sanno waxaan soo maray 105 wadan oo ay ku jirto Somaliland oo aan hadda soo gaadhay.” Sidaas waxa yidhi Mr. Daisuke Nakanishi oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika ee Magaalada Hargeysa ka soo baxa. Waxaanu intaas raaciyay inay Somaliland uga sii gudbi doonaan wadanka Djibouti.

Mr. Daisuke oo la weydiiyay ujeedada ka dambaysa safarkiisan Baaskeelka ee uu dunida ku marayo, waxa uu yidhi, “Waxaan doonayaa inaan samaysto hal milyan oo saaxiib oo nabadda jecel.”

Ninkan reer Japan oo qorshihiisu yahay inuu maro 130 Wadan oo ka mid ah dunida, waxa la weydiiyay su’aal ah aragtidiisa Somaliland iyo shacbigeeda oo ah markii u horaysay ee uu yimaado waxaanu yidhi, “Dadka Somaliland waxay u muuqdaan dad naxariis badan oo saaxiibtinimada jecel, aadna waan ugu faraxsanahay inaan u imaado.”

Mar la weydiiyay su’aal ahayd mudada uu ku qaatay isaga iyo saaxiibkii safarka Addis Ababa ilaa Hargeysa waxa uu yidhi, “Maanta [Shalay] ayaanu ka soo gudubnay xuduudka, waxaanay nagu qaadatay inaanu 90km Hargeysa ku soo gaadhno, Addis Ababa ilaa Hargeysa qiyaastii 11 maalmood ayay nagu qaadatay.”

Mr. Daisuke oo la weydiiyay inta jeer ee uu taayirka baaskeelkiisu ka banjaray mudadaas tobanka sanno ah ee uu safarka ku jiray, waxa uu yidhi, “Waxa uu taayirku iga banjaray ilaa 300 oo jeer.”

Mr. John Martin Graham oo u dhashay wadanka Kanada oo isagu bishii September ee 2006, wadanka Koonfurta Kuuriya ka bilaabay safarkiisa ayaa la weydiiyay ujeedada safarkiisan uu Baaskeelka ku marayo dunida, waxa uu yidhi, “Aniga ujeedadaydu maaha inaan samaysto hal milyan oo saaxiib, waxaanan ku faraxsanahay inaan samaysto hal saaxiib, laakiin ujeedada u weyni waxa weeye inaan khibrad ka helo dhaqanada iyo wadamada kala duwan ee aan safarka ku marayo si aan u horumariyo aqoontayda iyo waayo aragnimadayda.” Waxaanu aragtidiisa ku wajahan Somaliland kaga jawaabay, “Maanta waa maalintii koowaad, xadka ayaanu ka soo gudubnay jidkuna wuxuu ahaa dhul qurux badan, dadkuna waa dad saaxiibtinimo badan.” Waxaanu intaa ku daray oo uu yiri, “Waxa uu taayirku iga banjaray qiyaastii inta u dhaxaysa 75—100 jeer.”

Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland