Xoogag ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor

Axad, February 24, 2008(HOL): Xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay saaka la wareegeen gacan ku heynta Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay.

Dagaal xooggan oo degmadaas ku dhexmaray Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka iyo Xoogagga hubeysan ee Al-Shabaab ayaa ugu dambeyntii waxaa gacan ku heynta degmadaas la wareegay Xoogagga Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dadka ku sugan Degmadaas oo markii uu dagaal istaagay kadib aan xiriir la sameynay ayaa waxay noo sheegeen in Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo halkaas ku sugnaa lagala wareegay gacan ku heynta degmada, iyadoo dadkaasi ay intaas ku dareen in rag ka tirsan Xoogaggii la wareegay gacan ku heynta Degmada Diinsoor ay u qudbeeyeen Dadka Deegaanka, iyagoo u sheegay in ay deganaan muujiyaan oo aysan wax baqdin ah is-gelin.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa sheegay in ay Ciidamadooda la wareegeen Degmada Diinsoor, isla markaana ay haatan ka taliyaan, wuxuuna sheegay in uu halkaas ka dhacay dagaal xooggan oo ay Ciidamada Dowladda kaga dileen 10 Askari, halka uu dhinacooda sheegay in ay ka dhaawacmeen labo askari oo kaliya.

"Waxaan rabaa aniga oo fursaddan ka faa'iideysanaya in aan weydiiyo Maxamed Dheere iyo Xuub-sireed maalin dhaweyd waxaad laheydeen ragga nala dagaalama waxay ku dhuuntaan Suuqa Bakaaraha, hadda kuwa idinka qabsaday Diinsoor ma waxay ku dhuuntaan Suuqa Bakaaraha"ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in haatan xaaladda Degmada ay degan tahay, isla markaana ay dib hawada ugu soo celiyeen Isgaarsiintii Degmada oo markii hore ay amar ku bixiyeen in hawada laga saaro xeelado dagaal aawadood.

Dhawaan ayay ahayd markii sidoo kale deegaano ka tirsan Gobolka Bay ay ku dagaalameen Ciidamada Dowladda iyo Xoogagga hubeysan ee ka soo horjeeda, inkastoo dagaalkaas uu ahaa mid aan khasaare xooggan geysan.

Ugu dambeyntiina, Degmada Diinsoor ee Gobolka Bay ayaa waxaa ay ka tirsan tahay Gobolka Bay oo xaruntiisa Baydhabo ay fariisimo ku leeyihiin madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay ku taalo Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia