4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Feb 21, 2008
Idaacadda Horn Afrik oo dhowr maalmood hawada ka maqan

Khamiis, February 21, 2008(HOL): Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto dalka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa ayaa waxay hawada ka maqan tahay dhwor maalmood.

 

Warar ku dhow dhow howl-wadeennada Idaacadda ayaa waxay HOL u sheegeen in Idaacadda ay hawada uga maqan tahay sabab la xiriirta khilaaf u dhaxeeya Saamileyda Shirkadda Idaacadda Horn Afrik, kaasi oo sababay in Idaacadda la demiyo.

 

Lama yaqaano waxyaabaha uu salka ku hayo khilaafka u dhaxeeya Saamileyda Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik, hayeeshee waxaa uu khilaafkan ku soo beegmayaa iyadoo mid ka mid ah Milkilayaashii Idaacadda oo lagu magacaabi jiray Cali Iimaan Sharma-arke uu geeriyooday, halka Milkile kale oo lagu magacaabo Axmed C/salaan Xaaji Aadan uu ka mid noqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Ma ahan Idaacadda Horn Afrik oo kaliya waxa hawada ay ka saareen Saamileyda Shirkadda Horn Afrik hayeeshee waxaa iyana Hawada ka maqan TVga Horn Afrik la yiraahdo iyo Idaacadda Capital Voice oo Bah wadaag la ah Idaacadda Horn Afrik, kuwaasi oo dhamaantood densanaantooda ay dareemayaan Dad badan ku dhaqan gudaha iyo dibadda Soomaaliya.

Idaacadda Horn Afrik ayaa marka laga soo tago wararka u gaarka ah ee ay dhegeystayaasheeda u tebiso waxaa ay sidoo kale u soo gudbin jirtay Laamaha Afka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska ee Idaacadda BBC-da, kuwaasi oo ay ka dhegeysan jireen Mowjadda Idaacadda ee ah 99.9 MHz.

 

Sidoo kalena, Idaacadda Capital Voice oo iyadana bah-wadaag la ah Idaacadda Horn Afrik ayaa waxay iyadana u soo tebin jirtay Dadka Soomaaliyeed Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka VOA, taasi oo ay ka dhegeysan jireen Mowjadda 88.8 MHz.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto gudaha dalka Soomaaliya iyo Dibaddiisa ayaa waxaa la aas-aasay 12-kii December ee sanadkii 1999-kii, iyadoo ka maqnaashaheeda hawadana haatan si weyn loo dareemayo.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia