SHIIKH AADAN MADOOBE: “Itoobiya waxaa Soomaaliya ku haya Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waayo waxay wadaan dagaal, inta dagaalkaas socdana Itoobiya ma baxeyso”

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe
Sabti, February 02, 2008(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan  Madoobe) oo ka hadlay dagaallo shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Gobolka Bay ayaa sheegay in ay dagaalladaas soo qaadeen kooxo ka soo horjeeda dowladda Federaalka oo hadda ka horna horay u soo weeraray.

Shiikh Aadan Madoobe waxaa uu sheegay in aysan Dowladda Federaalka Soomaaliya gacmaha laaban doonin oo ay is-difaaci doonto, isla markaan ay soo celin doonto nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya, “Dowladda intii karaankeeda ah wey dagaalameysaa, weyna is-difaaci doontaa haddii la soo weeraro, nabaddiina wey soo celin doontaa”ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe.

Guddoomiyaha Baarlamaanka mar wax laga weydiiyay joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya waxaa uu sheegay in kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ay Ciidamada Itoobiyaanka ku hayaan dalka Soomaaliya, “Itoobiya waxaa Soomaaliya ku haya Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka, waayo waxay wadaan dagaal, inta dagaalkaas socdana Itoobiya ma baxeyso” ayuu yiri Shiikh Aadan Madoobe oo sheegay in haddii la wada hadlo oo nabadgelyada laga wada shaqeeyo ay Ciidamada Itoobiya baxayaan, ciidamo kalena aysan imaan doonin.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaan isaga si toos ah uga hadli jirin joogitaanka Ciidamada Itoobiya, wuxuuna hadalkiisan noqonayaa midkii ugu horeeyay oo uu ku caddeeyo mowqifka uu ka taagan yahay in ay Ciidamada Itoobiya joogaan Dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 31-kii bishii hore ee aynu ka soo gudubnay waxaa uu u dabaal-degay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii loo doortay xilka Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya xiligaas oo ku beegneyd 31-kii Janaayo 2007.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia