5/2/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 10, 2008
Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya oo gaaray Dalka Masar

Axad, February 10, 2008(HOL): Wafdi hordhac ah oo ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee xaruntiisa  dhexe ay tahay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea ayaa maanta wuxuu gaaray Magaalada Qaahira ee Dalka Masar.
 
Xubnaha Wafdiga hordhaca ah ee gaaray Dalka Masar ayaa waxaa ka mid ah Yuusuf Xasan Ibraahim (Yuusuf Dheeg), Shiikh Axmed C/llaahi, Dr. Maxamed Dheere iyo xubno kale, waxayna wararku intaas ku darayaan in ay magaalada Qaahira ay sidoo kale gaari doonaan xubno kale oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo wafdi ay  hoggaaminayaan ayaa iyana la filayaa in ay gaaraan magaalada Qaahira ee dalka Masar, iyagoo halkaasina ku tegaya casuumaad ay ka heleen Dowladda Masar.

Wafdiga Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya ayaa inta joogaan Dalka Masar waxay kulamo la qaadan doonaan Dowladda Masar oo ay isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka taagan dalka Soomaaliya, isla markaana ay u wada hadli lahaayeen dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya.

Warar kale oo aan si rasmi ah loo xaqiijin balse isa soo taraya ayaa waxay sheegayaan in uu socdo dadaal ay Qaramada Midoobay hormuud ka tahay oo lagu wada hadalsiinayo dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya, iyadoo la sheegayo in uu dadaalkaasina meel wanaagsan marayo.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Soomaaliya ayaa mar kasta oo ay hadlayaan mas’uuliyiintiisa waxay sheegaan in aysan wax wada hadal ah la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya inta ay Ciidamada Itoobiya joogaan Dalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia