Ciidamada Itoobiya ee jooga degmada Buula-barde oo gacanta ku dhigay qof rayid ah oo ku hubeysnaa Waxyaabaha Qarxa

Arbaco, April 09, 2008(HOL): Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Degmada Buula-burte ayaa gacanta ku dhigay Wiil dhalinyaro ah oo ku hubeysaa wax yaabaha Qarax, xilli uu doonayay in uu ku aaso meel aan ka fogeyn fariisinka Ciidamada Itoobiya ku lee yihiin Degamda Buula-barde.

Sida uu HOL u sheegay Axmed Gaas oo  ka tirsan dadka deegaanka Wiilka la qabtay ayaa markiiba bilaabay in uu farta ku fiiqo shaqsiyaad sida uu hadalka u dhigay u soo dhiibay hubka lagu qabtay, waxaana uu intaa ku daray  in arintan uusan wax shaqo ah ku laheyn laakiin lacag loo balan qaaday marka uu howsha fuliyo kadib.

Ciidamada Itoobiya oo ka duulaya tilmaamaha la baxshay ayaa markiiba bilaabay in ay baaritaan ka sameeyaan gudaha Degmada Buula-burte si markaa loo soo qabto shaqsiyaadka la sheegay in ay ku lug lahaayeen weerarka la damacsanaa in lagu fuliyo fariisinka Ciidamada Itoobiya, Inkastoo hadana aysan jirin cid arintaa loo soo xiray.

Saraakiisha Ciidamada ee halkaa ku sugan ayaa sheegay in hubka la qabtay dhamaantood lagu farsameeyay gudaha dalka iyagoo intaa ku daray in wali ay jiraan shaqsiyaad u heelan qaadista weeraro ka dhan ah Ciidamada Itoobiya iyo kuwo Dowlada Federaalka ee jooga Gobalka Hiiraan, laakiin loo baahan yahay in si wada jir ah looga hortago.

Markii uu soo baxay warka ku saabsan in la qabtay shaqsi ku hubeysnaa wax yabaaha qarxa islamarkaana Ciidamada Itoobiyaanku ka bilaabayaan Degmada baaritaano lagu baadi goobayo shaqsiyaad la tuhunsan yahay waxaa dhamaanba xirmay goobaha gacsiga isaga oo qof kasta ka cabsi qaba in uu soo saameeyo baritaanka la wado.

Degmada Buula-brute ee Gobalka Hiiraan ayaa dhawaan waxaa ka dhacay dagaalo qaraar oo halkaa ku dhaxmaray Ciidamada Dowlada Federaalka ee ka kala tirsan Gobalada Hiiiraan iyo Shabeelada dhexe iyo kooxaha ku kacsan siyaasadda Dowlada Federaalka, balse wixii xilgaa ka danbeeyay waxaa la wareegay ammaanka Degmada Ciidamada Itoobiya oo hadda fariisin ka sameystay meel duleedka ka ah Degmada Buula-barde.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia