5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Apr 5 , 2008
MACALLIN XAASHI: “Xubnaha Isbaheysiga waxay Nairobi u tageen Dalxiis, Dib-u-heshiisiin ay shacabka wakiil uga yihiinna halkaas uma tegin”

Macallin Xaashi Maxamed Faarax
Sabti, April 05, 2008(HOL): Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo ka mid ah Ururka Al-shabaab ayaa maanta wuxuu shaaca ka qaaday in aaney Urur ahaan waxba ka khuseynin dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ka socda Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Macallin Xaashi waxaa uu sheegay in Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed ee Nairobi jooga aysan wakiil ka ahayn sida uu u yiri Mujaahidiinta ka dagaalameysa gudaha Dalka Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in xubnaha Isbaheysiga ay yihiin kuwo dalxiis u tegay Magaalada Nairobi oo aan u tegin dib u heshiisiin ay wakiil uga yihiin shacabka Soomaaliyeed.

“Xubnaha Isbaheysiga waxay Nairobi u tageen Dalxiis, Dib-u-heshiisiin ay shacabka wakiil uga yihiinna halkaas uma tegin”ayuu yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo sheegay in wixii ay halkaas ka soo qaadaan Xubnaha Isbaheysiga la doonayo meel ay kula soo noqdaan, “Gurbaankii la xado goob lagu yeeriyo ayaa la rabaa”ayuuna yiri Macallin Xaashi Maxamed Faarax.

Macallin Xaashi Maxamed Faarax ayaa horay u sheegay in Xubnaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliyeed ay isaga raaxeysanayaan Dalal dibadda ah, iyagana ay dagaal kula jiraan Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ku sugan.

Laakin Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo arrintaas wax laga weydiiyay ayaa wuxuu sheegay in ay Dalka dibaddiisa ka wadaan howl aaney suurtagal ahayn in gudaha dalka lagu wado xiligan, isagoo weliba caddeeyay in waqtiga ay seexdaan iyo waqtiga ay shaqeeyaan uu badan yahay waqtiga ay shaqeeyaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dhawaan ayay ahayd markii uu Afhayeenka Ururka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur uu sheegay in aaney dib u heshiisiin la geleynin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana xitaa haddii ay baxaan Ciidamada Itoobiya ay dagaalka sii wadayaan, Maxkamadna ay soo taagi doonaan Dadka Itoobiya ku soo hogaamiyay Dalka Soomaaliya, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia