5/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 4 , 2008
Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo sheegay in xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiya baxaan ay Dagaalka sii wadayaan

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab- Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur
Jimco, April 04, 2008(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay dagaalka sii wadi doonaan xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya.

Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo la hadlayay qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in ay jebiyeen kooxihii Soomaalida ahaa ee uga sokeeyay Ciidamada Itoobiyaanka, haatanna sida uu yiri ay u dhaceen Ciidamada Itoobiyaanka, ayna dalka ka saari doonaan.

“Haddii ay baxaan Ciidamada Itoobiyaanka xitaa dagaalka waa sii socon doonnaa, waana in Maxkamad la soo taagaa Dadkii Ciidamada Itoobiyaanka keenay ee ka dambeeyay xasuuqa ka dhacay Dalka Soomaaliya” ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo sheegay in maxkamaddaas ay noqon doonto mid Islaam ah oo cadaalad wax ku xukumeysa.
 
Shiikh Mukhtaar mar wax laga weydiiyay sida ay u arkayaan dib u heshiisiinta la doonayo in laga dhex bilaabo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda waxaa uu sheegay in dib u heshiisiinta ay ka go’do sida uu u yiri dadka xabadda ridaya ee ku sugan dalka Soomaaliya, “Dib u heshiisiinta kama go’do dad naftooda la cararay oo dibadaha jooga, balse waxay ka go’daa dadka xabadda ridaya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo intaas ku sii daray in dib u heshiisiin hadda la sameeyo ay dan ugu jirto dowladda Itoobiya oo sida uu u yiri ku jabtay dagaallada ay ka waddo gudaha Soomaaliya.

“Itoobiya waxay dooneysaa in nagu manno sheegato oo ay tiraahdo aniga ayaa ka soo baxay Soomaaliya, iyadoo la ogyahay in ka bixitaankeeda Soomaaliya ay ku qasbanaatay”ayuu hadalkiisa ku sii daray Abuu Mansuur.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan waxay ku dartay Ururka Al-Shabaab Ururrada Argagixisada ah ee Caalamka, iyadoo Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo arrintaas wax laga weydiiyayna uu sheegay in ay ku faraxsan yihiin in lagu daro Liiska Argagixisada.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia