Khamiis, April 03, 2008(HOL): Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan isugu jiray, isla markaana uu horkacayo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Daba-geed) ayaa maanta duhurradii dib ugu laabtay Degmada Buulo-Burte oo ay horay uga baxeen.
Ciidamadan Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ayaa waxay dib ugu soo noqdeen Buulo-Burte kadib markii ay Degmadaas saaka waaberigii dib ugu noqdeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo iyana horay uga baxay Degmadaas.
Degmada Buulo-Burte oo hadda aanu wax dagaal ah ka jirin ayaa dadka degan waxay noqdeen kuwo jaha wareersan oo marba soo dul-degayaan Ciidamo iska soo horjeeda, waxayna 48-kii saac ee la soo dhaafay ay Degmadu ahayd mid marba ciidan gacanta u gelesay.
Ciidamadii Maxkamadaha ee saaka ku sugnaa Degmada Buulo-Burte ayaa hadda lagu soo waramayaa in ay magaalada duleedyadeeda joogaan, isla markaana ay sugayaan inta ay ka baxaan Ciidamada Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira ee ay Degmada u soo baneeyeen.
Dadka Degmada Buulo-Burte ayaa waxay haatan dareemayaan cabsi ku saabsan in ay dushooda ku dagaalamaan Ciidamada Soomaalida iyo Itoobiyaanka isugu jira iyo Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee magaalada duleedkeeda ku sugan, waxaana jira dad magaalada isaga sii baxaya, si aysan waxyeello uga soo gaarin dagaal ay suurtagal tahay in uu labada dhinac dhexmaro.
Dhanka kalena, warar naga soo gaaray Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in ay sidoo kale halkaas gaareen Ciidamo taabacsan Maxkamadaha Islaamka, kuwaasi oo haatan gacanta ku haya Degmadaas.
Ciidamadan la wareegay gacan ku heynta Degmada Jalalaqsi oo aan wax iska caabin ah la kulmin ayaa la filayaa in ay mas’uuliyiinta hoggaameysa la hadlaan dadka degmadaas ku dhaqan, waa sida uu ku waramay Cilmi Daahir (Cilmi Shiino) oo ka mid ah Dadka Degmadaas ku dhaqan.
C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia