5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 16, 2007
XILDHIBAAN MUUSE SUUDI: “Kursiga Madaxweynaha iyo Kan Guddoomiyaha Baarlmaanka la iskuma heysto, kan la isku heysto waa midka Ra’iisal Wasaaraha oo ay Dad leeyihiin”

Talaado, October 16, 2007(HOL): Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo maanta ka hadlayay fadhi uu Baydhabo ku yeeshay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in mar kasta dood laga keeno kursiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo ka mid ah Kuraasta madaxda sare ee Dowladda oo sida uu yiri lagu soo qeybsaday Afar Beelood iyo Bar (4.5).

 

Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow ayaa markii intaas yiri waxaa ku buuqay Xildhibaano badan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaasi oo dabcan ka soo horjeeday hadalkiisa, hayeeshee waxaa uu Muuse Suudi ku adkeystay hadalkiisaas, wuxuuna hoosta ka xariiqay in uusan aqoonin waxa mar kasta doodda geliya kursiga Ra’iisal Wasaaraha.

 

Sidoo kalena waxaa kulankii maanta hadal kulul ka jeediyay Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo sheegay in ay wax aan sharci ku fadhin ahayd soo jeedin ka timid 22 wasiir oo ka tirsan 31-ka Wasiir ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu shirkooda ku tilmaamay mid fowdo ah.

 

“Kulan ay qabtaan Xubno Wasiirro ah oo uusan shir guddoomineynin Ra’iisal Wasaare Geeddi waxaa uu la mid yahay kulan ay qabteen Dalxa iyo Boqorre (Guddoomiye ku xigeennada Baarlamaanka) iyadoo uu joogo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe, kaasi sharci ma ahan ee waa mid fowdo ah, marka Wasiirrada haddii ay mooshin soo gudbinayaan ha u tagaano Ra’iisal Wasaarahooda, kadibna intey is-casilaan iyagoo  Xildhibaano caadiya ah ha soo gudbiyaano mooshinka ay doonayaan”ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta fadhi ay ku yeesheen magaalada Baydhabo waxay kaga hadlayeen sida ay la tahay in Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Geeddi codka kalsoonida loo qaado iyo in uu Baarlamaanka sii wato howlihii la xisaabtanka Xukuumadda, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay fadhigii maanta ka xaadireen 217 mudane oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisal Wasaare Geeddi iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia