5/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 11, 2007
Shiikh kale oo xalay Magaalada Kismaayo lagu dilay

Khamiis, October 11, 2007(HOL): Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee xarunta u ah Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in xalay magaaladaas lagu dilay Shiikh kale oo si weyn looga yaqaanay magaaladaas.

 

Kooxo hubeysan ayaa xalay waxay ku dileen Xaafadda Calanleey ee Magaalada Kismaayo Shiikh Maxamed Shire oo ka tirsanaa Culumaa’udiinka sida weyn looga yaqaanay Magaalada Kismaayo.

 

Horay ayaa gudaha Magaalada Kismaayo waxaa loogu dilay labo Shiikh oo kale oo lagu kala magacaabi jiray Shiikh Jeylaani Cali Macallin iyo Shiikh Yuusuf Dheere, kuwaasi oo ay iyana dileen kooxo hubeysnaa oo aan ilaa iyo haatan la ogaanin cidda ay ahaayeen.

 

Magaalada Kismaayo ayaa muddooyinkan waxaa ku soo badanaya Dilalka loo geysanayo Dadka muxtarimiinta ah ee ay ka midka yihiin Culumaa’udiinka, iyadoo ay sii dheer yihiin dilal kale oo salka ku haya aanooyin Qabiil, kuwaasi oo iyana magaalada ka dhacaya.

 

Dilka xalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu magaaladaas ka dhacay Qarax loo adeegsaday Miino dhulka lagu aasay, taasi oo loola dan lahaa in lagu dilo Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha Kismaayo ninkalagu magacaabo Maxamed Cali Shire.

 

Dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo oo si weyn uga walaacsan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo Culumaa’udiinka iyo weliba Qaraxyada ayaa waxay sheegayaan in falalka Nabadgelyo darrada ah ee ka jira Magaalada Muqdisho loo soo xawilay magaalada Kismaayo oo in muddo ah deganeyd, walow ay ka gaabsanayaan in ay sheegaan cidda u soo xawishay falalkaas nabadgelyo darrada ah.

 

Ugu dambeyntiina, Ururka Xuquuqda Aadanaha Faanoole ayaa wuxuu cambaareeyay falalka nabadgelyo darrada ah ee ka soo cusboonaaday Magaalada Kismaayo iyo weliba dilalka loo geysanayo Culumaa’udiinka oo ka dhan ah Shareecada Islaamka, Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga iyo Xeerarka soo jireenka ah ee Soomaalida.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia