Isniin, October 29, 2007(HOL):
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo
ee Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisal
Wasaare Cali Maxamed Geeddi oo saacado ka hor
dib ugu laabtay Baydhabo uu baarlamaanka Soomaaliya
hortiisa uga dhawaaqay in uu iska casilay Xilkii
Ra’iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya.
Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa is-casilaaddiisa
ku dhawaaqay kadib markii uu kulan la yeeshay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf kadibna uu u gudbiyay
go'aankiisa is-casilaadda ah, iyadoo dabadeedna
uu madaxweynaha go'aankaas ka aqbalay.
Xildhibaan Prof. Cali Maxamed
Geeddi oo hadal ka jeediyay Xarunta Baarlamaanka
Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uu iska casilay
xilkii Ra’iisal Wasaarenimo ee Soomaaliya,
isagoo Mudanayaasha Baarlamaankana u sheegay
in uusan ka tegin isla markaana uu weli yahay
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
“Maanta Waxaan rabaa Dhaqan cusub in aan
u bilaabo Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana u
tanaasulayaa Danta Dalka iyo Dadka aniga oo
ka degaya Xilka Ra'iisal Wasaarenimada Soomaaliya”ayuu
yiri Ra’iisal Wasaare Maxamed Geeddi oo
sheegay in intii ay jirtay Xukuumaddiisa ay
howl badan qabatay, howl badanna ay u harsaneyd.
Prof. Cali Maxamed Geeddi
waxaa uu mahadcelin u jeediyay Shacabka Soomaaliyeed,
gaar ahaan kuwa ku dhaqan Gobolka Bay oo uu
sheegay in ay taageero hagar la’aaneed
siiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo
kalena wuxuu u mahadceliyay Dowladaha saaxibka
la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo guud
ahaan Beesha Caalamka oo taageero siiyay Dowladda
Federaalka, kuwaasi oo uu ka rajeeyay in ay
sii wadi doonaan kaalmada ay siiyaan Soomaaliya.
Intaas kadib waxaa hadlay Guddoomiyaha
Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed
Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) oo sheegay in uu
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi qaatay
go’aan geesinimo leh oo Dimoqraadi ah,
kaasi oo loo baahan yahay in ay xubnaha Dowladda
Federaalka ay ku dhaqmaan mar kasta oo ay dhinaca
sharciga isku qabtaan.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
oo isna ka qeybgalay kulankii Baarlamaanka ayaa
wuxuu Baarlamaanka Soomaaliya hortiisa kaga
dhawaaqay inuu aqbalay Is-casilaaddii uu u gudbiyay
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi kadib
markii sida uu yiri uu qiimeeyay xaaladda uu
dalka ku sugan yahay iyo go’aanka is-casilaadda
ah ee uu Ra’iisal Wasaaraha u gudbiyay.
Madaxweyne Yuusuf waxaa uu Xildhibaannada
Baarlamaanka Soomaaliya ugu baaqay in la iska
cafiyo oo xalay-dhalay laga noqdo wixii muran
ahaa ee dhexmaray, isagoo Baarlamaanka hortiisa
ka weydiiyay Xildhibaano taageersanaa Ra’iisal
Wasaare Geeddi “Maxamed Qanyare Afrax
meeye, Muuse meeye, Cumar Jees meeye, C/llaahi
Shiikh Ismaaciil Meeye, Cusmaan Caato meeye”
ayuu yiri Madaxweyne Yuusuf.
Madaxweyne C/llaahi Yuusf Axmed
waxaa uu sheegay in xubnihii la shaqeynayay
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ay
sidooda uga tirsanaanayaan Dowladda, sidoo kalena
ay Ciidamadiisii iyo weliba howl-wadeenadii
la shaqeynayay ay intaba ka tirsanaanayaan Dowladda.
“Ra’iisal Wasaare
Cali Maxamed Geeddi wuxuu ahaa Ra’iisal
Wasaare Soomaaliyeed, seddex sano ayuu soo shaqeeyay,
Howl badanna waa soo qabtay marka sharafkaas
ayuu huwan yahay, wuxuuna leeyahay xuquuq ah
in ammaankiisa la sugo”ayuu yiri Madaxweyne
C/llaahi Yuusuf oo sheegay in ay howsha Xukuumadda
sii wadayaan Xubno ka mid ah Golihii Wasiirrada
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
waxaa uu intaas kadib sheegay in uu gelayo la-tashiyo
ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo Magacaabayo,
isagoo Mudanayaasha Baarlamaankana ka codsaday
in ay ula yimaadaan wixii talo ah ee ay hayaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee,
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geeddi ayaa
booqasho dhowr maalmood qaadatay waxaa uu ku
tegay Magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya,
halkaasi oo uu kulamo kula soo qaatay Diblumaasiyiin
Mareykan iyo Reer Yurub ah iyo weliba Madaxda
Dowladda Itoobiya, kuwaasi oo ay ka wada hadleen
Xaaladda Dalka Soomaaliya guud ahaan iyo gaar
ahaan Khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare
ee Dowladda Federaalka, kuwaasi oo aan la ogeyn
in ay lug ku leeyihiin go’aanka is-casilaadda
ah ee uu qaatay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan
Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
|