4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Afhayeenka Ururka Qaran oo xabsigii laga sii daayay, kana waramay siday wax u dhaceen

Khamiis, 15 November 2007 (HOL)- Afhayeenka Urur-Siyaasadeedka Qaran ee Somaliland Maxamed Cabdi Daa’uud oo maalintii Isniintii ee toddobaadkan la xiray isaga iyo Xubno kale oo ka mid ah taageerayaasha Ururka uu Afhayeenka ka yahay ayaa la sii daayay.

Afhayeenka iyo xubnaha la xidhnaa ee la sii daayay, ayaa lagu eedeeyay inay soo abaabuleen Mudaharaad aan dhicin, balse lagu waday inuu ka dhaco Magaalada Hargeysa, kaas oo kuwo la mid ahi ay ka dhaceen Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer, waxaana Afhayeenka laga qabtay Gurigiisa oo ku yaala Hargeysa. Mar uu afhayeenku ka hadlayay siday wax u dhaceen ka hor intii aanay Boolisku ka qaban Gurigiisa iyo sidii loola dhaqmay markii Saldhigga Booliska la geeyay, ayaa waxa uu yidhi, “6:30 subaxnimo, ayaa Carruurtaydii oo Iskuulka tagi lahayd, ayaa aragtay Askartii oo dibada taagan, dabadeedna dib ayay u soo yaaceen, dabadeedna dumarkii  ayaa la hadlay. Anigaa markaa usoo baxay oo waxaan ku idhi ‘Waraaq ma sidataan waaran ah, oo aad igu qabanaysaan’ markay igu yidhaahdeen waanu ku doonaynaa, oo waanu ku qabanaynaa, waxaana ay ii sheegeen inaanay waaran sidanin. Markaa maxaad iga doonaysaan ayaan ku idhi. Markaa runtii daba ka-war-war badan bay qabeen, anshaxnimadii Askarinimo may ilaalin, gurigay iska soo dhex-qaadeen gudihiisa, waxaanad moodaysay sidii wax yara dhiiran. Waayo macaamilkii markii dambe ee aanu Saldhiga nimi ay iila dhaqmayeen wuu ka duwanaa kii markii ay aniga ii yimaadeen ay ila yeesheen oo kale.” Maxamed Cabdi Daa’uud oo u waramayay Idaacadda Horyaal, ayaa isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Markaan ku idhi idinku raaci maayo warqad la’aan, xidhabuu yidhi nin Ciidanka watay, oo qabta. Markaas ayay igu soo yaaceen, intay qoryihii kaga qabac-qabac siiyeen,  maan labisnayn oo markaa guriga ayaan ku noqday, dabadeed gabadhaydii oo meesha joogtay ayay madaxa gidaarka ugu dhufteen, gacana waxoogaa ayaa soo gaadhay. Dabadeedna waan u soo baxay. Markaan arkay in fal-xumi meesha ka dhacayo, waan soo raacay. Waxaana ay I geeyeen Saldhiga Koodbuur.”

Mar uu Afhayeenku ka jawaabayay su’aal laga weydiiyay ciidanku markii ay saldhiga geeyeen waxyaabihii la weydiiyay waxa uu yidhi. “Walaahi way ka duwanaayeen markii Saldhiga ay I geeyeen, macaamiladii ay guriga igula yeesheen, macaamilo aad uga fiican bay ii sameeyeen Ciidankii iyo Taliyihii watayba isla iyaga ayuun bay ahaayeen, kuwii isoo kaxeeyay runtii ixtiraam badan bay ii muujiyeen. Waxaana la I sii daayay maalintii dambe duhurkii ayaa Taliye ku-xigeenkii bilaysku ii yimi, markaa isagaa igu yidhi, waxaanu kugu soo qabanay waad garanaysaa, waanuna ku siidaynaynaa.  markaan waydiiyay waxa laygu soo xidhay wuxuu igu yidhi waxaad waday mudaharaad qayral sharciya.” Maxamed Cabdi Daa’uud isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi. “Markaanu dhexda soo soconay waxaan ku idhi Askarta ordoo irsiq xalaal ah illaahay waydiista, oo shaqadan iskaga taga. ama shaqada qaynuunkii iyo dastuurkii ay lahayd dee barta ninka bilayska ahi anshax iyo Asluuba inuu barto weeye.

Waxaana aan culayska saarayay waxa weeye ama iyagu saarayeen, oo aniga ay iigu muuqatay inuu isagu leeyahay dalka qaska maad ka daysid aniguna aan leeyahay dalka runtii idinkaa qasayee anigu ma jecli dalku inuu qasmo. Waxa weeyaan cabasho ayaanu doonaynay inaanu muujino, waxaanu ka cabanaynaa maaha wax wax idin yeelaysa, ee waa wax Madaxda kaa saraysaa ay kari karto. Markaa adiga sidoodii baan kuula hadlayaa, ayaan ku idhi. Markaa Siyaasiyiintan xidhan wax aliyaala wax ay idin yeelaysaa siidayntoodu ma jirto, awoodii siidayneedna waad leedihiin, sharciguna waa idin siiyay. Markaa arrinkaa ayuu murankayagu runtii u badnaa. Isaguna waxa uu lahaa way dhan tahay nimankaa arrinkoodii, imikadan aynu taaganahay ayay warqadoodii siidayntu dhan tahay. Markaa maxaad noo qasaysaan wax noocaas ah ayuu  yiri.

Kaliya maaha isaga iyo xubnahan la xidhnaa ee labada ah, dadka loo xidh-xidhay Mudaharaaddadan, hase ahaatee waxa iyana jiray xubno kale oo ka mid ah taageerayaasha Ururkan Qaran, oo ciidamada amaanku ku xidheen Magaalada Burco. Kuwaas oo markii Afhayeenka la waydiyay in iyagana la sii daayay iyo in kale, waxa uu sheegay inaanu ogayn in la sii daayay iyo in kale oo aanu ka war qabin.
 
Barkhad M. Kaariye    Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland