4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Banaanbax lagu taageerayay Sugidda Ammaanka Gobolka Banaadir iyo Go’aan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya oo Muqdisho lagu qabtay

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Banaanbax uu soo qaban qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir, laguna taageerayay suggidda ammaanka Muqdisho ayaa maanta waxaa lagu qabtay Garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium.
 
Banaanbaxan oo ay ka qeybgaleen Dadweyne ka kala yimid 16-ka ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, Safiirrada Dalalka Itoobiya iyo Yemen iyo Madaxda Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu hal-ku-dhiggiisa ahaa Nabadda ka jirta Maalmahan Gobolka Banaadir.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Dheere oo la hadlay dadkii isugu soo baxay Conis Stadium ayaa sheegay in ay ammaanka ka jira magaalada Muqdisho uu soo hagaagayo, wuxuuna mahadcelin u jeediyay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo uu sheegay in ay sameeyeen howlgallo amni sugid ah oo lagu guuleystay.

“Waxaan Koob Dahab ah ku soo dhaweyneynaa Walaalaheena Itoobiya oo dhiiggooda u daadiyay sidii ay nabadgelyo loogu soo dabaali lahaa Dalka Soomaaliya, isla markaana sharcigii iyo kala dambeyntii loo soo celin lahaa”ayuu yiri Maxamed Dheere oo sidoo kale mahadcelin u jeediyay dadkii isugu soo baxay banaanbixii ka dhacay Garoonka Kubadda Cagta Conis Stadium.
 
Sidoo kalena waxaa banaanbaxaas ka hadlay Taliyaha Ciidamada Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Maxamed Warsame Darwiish iyo Taliyaha Ciidamada Booliska Qeybta Banaadir Col. Yuusuf Xuseen Dhuumaal, waxayna labaduba sheegeen in ammaanka Muqdisho uu 90% hagaagsan yahay, inta harsanna la hagaajin doono.

Banaanbaxan ayaa sidoo kale waxaa lagu taageeray go’aan dhawaan ka soo baxay Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ahaa in Xubnaha Xukuumadda la soo dhisayo ay ka yimaadaan Baarlamaanka Soomaaliya Gudahiisa iyo Dibaddiisa, iyadoo go’aankaasna lagu tilmaamay  mid ay Xukuumadda Federaalka uga mid noqon karaan Aqoonyahanno Soomaaliyeed oo aan Baarlamaanka Soomaaliya ku jirin.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa dhawaan wuxuu ka sheegay magaalada Nairobi in Xaaladda Ammaan ee Magaalada Muqdisho ay haatan ka wanaagsan tahay 17-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo caddeeyay in haatan ay socdaan howlgallo Ammaanka lagu sugayo, sidoo kalena uu is-bedel ku yimid hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhanka kalena, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maanta ka hadlay banaanbaxa uu maamulka Gobolka Banaadir ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in uu aad uga xun yahay  in iyadoo uusan wanaagsaneyn ammaanka Gobolka Banaadir in la yiraahdo waxaa la qabanayaa Banaanbax lagu tagaeerayo Nabadgelyo ka jirta Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad  ayaa sheegay in ay Dadka Soomaaliyeed uga tacsiyadeynayaan banaanbaxaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ammaanka Muqdisho uu yahay mid aan wanaagsaneyn oo ay dhibaatooyin ka dhacaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia