4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Ciidamo Itoobiyaan ah oo saaka lagu qarxiyay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo marayay agagaarka Kuliyaddii Jaalle Siyaad ayaa saaka waxaa lala beegsaday Qarax loo adeegsaday Miinada nooca dhulka lagu aaso ah.

Ciidamadan Qaraxa lala beegsaday oo watay Gaari Ural ah ayaa la sheegay in ay ka soo baxeen Xarunta Wasaaraddii Gaashaandhigga oo fariisin u ah, iyadoo Qaraxa lala beegsadayna uu ahaa mid xooggan oo dhawaqiisa laga maqlayay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.
 
Halka qaraxa lagula beegsaday Ciidamadan oo ahayd meel cidlo ah darteed ayaysan Ciidamada Itoobiyaanka ridin wax rasaas ah oo tiro badan, marka laga reebo in ay xireen waddooyinka ku dhow halka qaraxa lagula beegsaday.
 
Ma jirto cid xaqiijisay khasaare Ciidamada Itoobiyaanka ka soo gaaray qaraxaas, waxaana taasi ugu wacan iyadoo aysan jirin cid ka dhawaan kartat agtooda, inkastoo Dad joogay meel aan u dheereyn ay sheegeen in ay meel dheer ka arkayeen gaariga ay wateen Ciidamada Itoobiyaanka oo yaala halkii lagu qarxiyay iyo weliba Ciidamo Itoobiyaan ah oo ilaalo ka haya.
 
Qaraxa lala beegsaday Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo todobaadkii hore ay Ciidamada Itoobiyaanka ku dileen Xaafadaha Shiikole, Black Sea, Baar Ubax, Xamar Jadiid iyo Suuqa Xoolaha Dad aad u faro badan oo ay ku jireen Dumar, Caruur iyo Dad Waayeello ah, kuwaasi oo meydadkooda ay saacado yaaleen halkii lagu dilay.

Dhanka kalena, Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira ayaa saaka waxay howlgallo ka wadaan Deegaanada Ciise Cabdi iyo Gubta oo ka tirsan Degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir, iyadoo howlgallada Ciidamadanna ay ku soo beegmayaan iyadoo shalay Deegaanka Gubta uu ka dhacay Iska hor-imaad dhexmaray Ciidamada Booliska Dowladda Federaalka iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo halkaasina  uu ku dhintay Askari ka tirsan Ciidamadii Booliska.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Itoobiyaanka ayaa tan iyo markii ay yimaadeen Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxaa lala beegsadaa Qaraxyo iyo Weerarro hubeysan oo ay ka dambeeyaan Kooxaha ka soo horjeeda joogitaankooda Dalka Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia