4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Agaasimaha Idaacada Banaadir oo diiday in ay Ogolaasho Shaqo ka qaado Maamulka Gobolka Banaadir

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Agaasimaha Idaacadda Banaaadir Axmed Nuur Cali Dheg-weyn (Axmadna) ayaa shaaca ka qaaday in uusan qaadaneynin Warqad Ogolaasho shaqo ah oo Idaacaddiisa loogu ogolaanayo in ay howsheeda sii wadato.
 
Agaasimaha Idaacadda Banaadir waxaa uu sheegay in haddiiba Warqad ogolaasho shaqo uu qaadanayo ay sharci tahay in uu ka qaato Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida uu yiri ay xiriir joogto ah leeyihiin.

Axmadna waxaa uu intaas ku daray in amarka lagu xiray Idaacaddiisa iyo midka ka daba yimid ee ruqsad-shaqo-qaadashada ah uu ugu muuqdo mid lagu caburinayo Saxaafadda madaxa bannaan, isagoo caddeeyay in aysan amarkaas u hoggaansami doonin.
 
Hadalka Agaasimaha Idaacadda Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere uu ugu baaqay Idaacadaha iyo Wargeysyada ka howlgala magaalada Muqdisho in ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku qaataan Warqadda ogolaashaha shaqo.
 
Maxamed Dheere oo difaacay shaqo joojin lagu sameeyay seddex Idaacadood oo Muqdisho ka howlgala ayaa sheegay in ciddii aanan qaadan Warqadda Ogolaashaha Shaqo ee uu Maamulkiisa bixinayo in aysan suurtagal u noqon doonin in ay shaqeyso.
 
Dhanka kalena, Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed oo wax laga weydiiyay sida uu u arkayo amarka ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in uu amarkaas u arkayo mid heer gobol ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay inaysan waxba ku jabneyn haddii idaacadaha si heer gobol ah loo yiraahdo ogolaasho shaqo qaata.
 
Mar wax laga weydiiyay shaqo joojinta lagu sameeyay Idaacadaha Shabeelle, Banaadir iyo Simba ayuu sheegay Wasiirka in ay arrintaas kala xiriireen Guddiga Ammaanka Qaranka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ay ka codsadeen in loo soo gudbiyo waxa rasmi ahaan lagu xiray Idaacadahaas.

Ugu dambeyntiina, Ururka Suxufiyiinta aan xuduuda lahayn ayaa hadal saxaafadeed uu ka soo saaray shaqo joojinta Idaacadahaas waxaa uu ku sheegay in Dowladda  Federaalka looga baahan yahay in ay sharaxdo waxa ay Idaacadahaas u xirtay, iyadoo sidoo kalena hadal saxaafadeedka ka soo baxay Ururkan lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u muuqato mid beenisay ballanqaad ay Axdiga u degsan ku xustay, kaasi oo ahaa in ay Madax bannaani siineyso Saxaafadda Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia