4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Ciidamadii Itoobiyaanka oo ka baxay Suuqa Bakaaraha iyo Howlgallo ka socda Deegaanka Gubta

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee maalmahan ku sugnaa gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa gebi ahaanba xalay isaga baxeen meelihii ay Suuqaas kaga sugnaayeen.
 
Xalay Fiidkii ayay Ciidamadan isaga baxeen Daaro ay saarnaayeen oo ku yaala Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha, waxayana u ruuqaansadeen dhinaca Igsoyska Carwo Idko ee Wadada 30-ka, halkaasi oo ay haatan ku sugan yihiin.
 
Lama oga waxa keenay in ay Ciidamadan isaga baxaan Suuqa Bakaaraha, waxaase loo maleynayaa in ay arrintaas ka wada hadleen Saraakiishooda iyo maamulka Gobolka Banaadir oo hoggaaminaya Howlgallo nabad-sugid ah oo Suuqa Bakaaraha ka socda.
 
Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa intii ay Ciidamada Itoobiyaanka ku sugnaayeen Qeybo ka mid ah Suuqa Bakaaraha waxay iska joogeen guryahooda, iyagoo ka baqayay in haddii ay Suuqa u soo shaqo tagaan ay dhibaato gaarsiiyaan Ciidamada Itoobiyaanka oo qaar ka mid ah Daaraha ku yaala Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha hub la fuulay.
 
Saaka ayaad moodaa in ay Suuqa Bakaaraha soo gelayaan Dadkii ugu badnaa oo isugu jira Ganacsato iyo Dad kale oo Xaaladda Suuqa soo eegaya, kuwaasi oo lagu arkayo Waddooyinka Suuqa soo gala, laakin ilaa iyo haatan ma jiraan goobo ganacsi oo si rasmi ah u furan.
 
Dhanka kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa shaaca ka qaaday inuu soo dhamaaday howlgalkii lagu baarayay Suuqa Bakaaraha, isla markaana ay waxa harsan yihiin adkeynta nabadgelyada iyo weliba nidaaminta goobaha ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo ah kuwo isku dhexyaacsan oo aan lahayn waddooyin waa weyn oo la isaga gudbi karo.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in gudaha Suuqa Bakaaraha laga furi doono Saldhig Boolis oo laga sugo Ammaanka Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo sida uu yiri la dhigi doono Ciidamo ku filan Ammaanka Suuqaas oo in muddo ah ay ka dhacayeen falal nabadgelyo darro ah.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia