4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Nov 15, 2007
Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta ka doodaya Go’aanno ka soo baxay Shirkii Dib u heshiisiinta ee Muqdisho lagu qabtay

Khamiis, November 15, 2007(HOL): Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta wuxuu shir ka leeyahay qodobo ka soo baxay shirkii dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee lagu soo gebagebeeyay Magaalada Muqdisho.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxay horay isugu raaceen qodob ka mid ah go’aannadii ka soo baxay shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ku saabsanaa in la soo dhiso Xukuumad ay xubnaheeda ka imaanayaan Baarlamaanka Gudahiisa iyo Dibaddiisa, kaasi oo markii ay Xildhibaanada isku raaceen si weyn loo soo dhaweeyay.
 
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sidoo kale waxaa la filayaa inay ajendayaasha shirarkooda ku darsadaan Xaaladda Gobolka Banaadir, iyaddoo taasina ay soo jeediyeen qaar ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka oo sheegay in Xaaladda Muqdisho ay tahay mid aan laga aamusi karin.
 
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo isna la hadlayay Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad ugu xun yihiin waxyaabaha ka dhacaya magaalada Muqdisho, wuxuuna intaas kadib  ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay Dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ay u sameyn weyday meelo nabadgelyo ah oo lagu quudiyo.

Ugu dambeyntiina, Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyaa in uusan qabsan howsha uu u xilsaaran yahay ee ah in uu ilaaliyo sharciga u degsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana la maqlaa halkii uu sharciga ilaalin lahaa oo uu Shacabkana u doodi lahaa iyadoo ay Mudanayaasha Baarlamaanka ka doodayaan Mushaarkii iyo Gunnadii ay qaadan lahaayeen oo bishii  ay ka badan tahay lacag 4000 oo Doollar.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia