4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 18, 2007
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maanta Muqdisho lagu dilay

Jimco, May 18, 2007(HOL): Alle ha u naxariistee G/lle sare Axmed Siyaad Cabdulle oo ka mid ahaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa maanta lagu dilay Xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howl-Wadaag.

 

Wiil dhalinyaro ah oo Bastoolad ku hubeysnaa ayaa geystay dilka Sarkaalka, sida ay dad goob-joogaal ah u sheegeen HOL, kaasi oo markii uu dilka geystay kadib baxsaday, iyadoo dabadeedna ay meydka marxuumka wadada ka soo qaadeen dad aqoonsaday.

 

C/naasir Axmed Siyaad oo ah Wiil uu dhalay Marxuumka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay geerida Aabahood, xili uu marxuumka gurigiisa wax yar ka sii maqan yahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in loo sheegay in uu dilka Aabihiis geystay Wiil Dhalinyaro ah oo baxsaday isagoo aan xitaa la aqoonsan.

 

C/naasir waxaa uu sheegay in Aabihiis oo ka tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan qeybta Madaafiicda Goobta uu muddooyinkan dambe ahaa nin Nabad-doon ah oo aan howlaha Ciidamada ku dhex jirin.

 

Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxay noqotay mid la ugaarsado Saraakiisha iyo Ciidamada Dowladda Federaalka, waxaana shalay iyo dorraad lagu dilay gudaha Suuqa Bakaaraha labo Askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda, kuwaasi oo ku guda jiray sugidda Ammaanka Suuqa.

 

Sanadkii 2005 ayay ahayd markii Saraakiil badan oo ka tirsanaa Ciidamadii Soomaaliya lagu dilay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo aan ilaa iyo haatan la ogeyn sababtii ka dambeysay dilkooda, marka laga reebo in loo bar tilmaameedsaday in ay Ciidamo hore ahaayeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]
Mogadishu, Somalia