5/4/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 25, 2007
Wasiirka ugu shaqada badan Xukuumadda Federaalka iyo Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda oo khilaaf uu soo kala dhexgalay

Axad, March 25, 2007(HOL): Waxaa khilaaf uu soo kala dhexgalay  Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka iyo wasiirka la isku raacay in uu yahay midka ugu shaqada badan Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda  Ismaaciil Maxamuud Hurre Buubaa.

 

Khilaafkan oo hadda soo shaac baxaya ayaa wuxuu salka ku hayaa sida ay sheegayaan warar aanu ka helnay ilo lagu kalsoon yahay madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo faragelin ku sameeyay xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda, iyadoo taasina ay u cuntami weysay Wasiirka.

 

Wasiirka ayay wararku sheegayaan in ay mas’uuliyiintan isku qabteen kadib markii ay Xilalka Safiirnimo u magacaabeen shakhsiyaad ku heyb ah oo qaarkood aanan lahayn aqoontii Safiirnimo, gaar ahaana Safiirro ay u magacaabeen Dalalka Mareykanka iyo Kenya, iyadoo ay ahayd in uu magacaabistaas wax ku lahaado wasiirka ama xitaa la ogeysiiyo.

 

Sidoo kalena, waxay wararku intaas ku darayaan in uu Ismaaciil Buubaa uu aad uga sii carooday nin uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u magacaabay Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kaasi oo uusan ku qancin Wasiirka.

 

Si kastaba arrintu ahaatee, khilaafka soo kala dhexgalay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliy oo haatan bannaanka u soo baxaya ayaa haddii uu sii socdo waxaa uu keeni karaa in uu Wasiirka xilka ka tago amaba xil ka qaadis lagu sameeyo, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ra’iisal Wasaare Geedi oo Dalka Sacuudiga uga qeybgelaya shir ay halkaas ku leeyihiin wadamada Islaamka uu ka tegay Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Baydhabo ku sugan, tiiyoo ay ahayd in uu Wasiirka ka qeybgalo shirka gogol xaarka ah ee ay Wasiirrada Arrimaha Dibadda Wadamada Islaamka ku yeelanayaan Magaalada Riyaad ee dalka Boqortooyada Sacuudiga.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia