4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 18, 2007
Baasaboorka Soomaalida oo Qiimo sare ka gaaray Magaalada Muqdisho

Axad, March 18, 2007(HOL): Qiimaha lagu iibsado Baasaboorka Soomaaliga ah ayaa sare uga kacay Suuqa Cabdalla Shideeye ee Magaalada Muqdisho, iyadoo dad doonayay in ay iibsadaan Baasaboorka ay sheegeen in uu  qiimaha Baasaboorka uu labuu-laab sare u kacay.

 

Baasaboorka Soomaalida  oo markii hore uu qiimahiisa u dhaxeeyay 25 ilaa 30 Doollarka Mareykanka ah ayaa hataan wuxuu gaaray qiimihiisa 50 Doollar, iyadoo sare u kacaasina la sheegayo in ay sababeen dad Muqdisho ka dhoofaya oo Baasaboorka beryahan aad u iibsada.

 

Dad badan oo ka cabanayay qiimo koror ku yimid ayaa saakay lagu arkayay Suuqa Cabdalla Shideeye iyagoo marba meel istaagayay, isla markaana rajo ka qabay in ay helaan baasaboor qiimahiisu jaban yahay oo ay ku dhoofaan. Qiimo kororka ku yimid baasaboorka Soomaaliyeed ayaa waxaa keenay Dad badan oo amni darrada Muqdisho ka qaxaya oo dalka dibaddiisa u dhoofaya, kuwaasi oo maalmihii tegay si weyn u iibsanayay Baasaboorka Soomaalida.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo saartay Baasaboor ka duwan midka ay haatan Dadka Soomaaliyeed isticmaalaan ayaa waxay u qabatay isticmaalka Baasaboorkii hore ilaa bisha May ee soo socota, iyadoo kadibna la mamnuuci doono, waa sida uu sheegay Agaasimaha Waaxda Socdaalka Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Gaafow Maxamuud.

 

Suuqa Cabdalla Shisheeye ee ku dhex yaala Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu tan iyo wixii ka dambeeyay burburkii Hay'adihii Dowliga ahaa ee dalka Soomaaliya waxaa uu dadka Soomaaliyeed u qaban jiray adeeg ay qaban waayay dowlado fashilmay oo dalka Soomaaliya loo soo dhisay, waxaana xusid mudan in mas'uuliyiin badan oo ka tirsanaa Dowlado Soomaaliya loo soo dhisay ay ku dhoofi jireen Baasaboor laga soo sameeyay Suuqa Cabdalla Shisheeye, halka Suuqaas laga doonto ilaa waqtigan warqadaha dhalashada, kuwa caafimaadka iyo weliba Shahaadooyinka ilaa heer Jaamacadeed.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa haatan looga fadhiyaa in ay dhaqangeliso Baasaboor cusub oo ay dhawaan soo sameysay, kaasi oo qofka wadanka gudahiisa jooga uu ku heli karo 100 Doollar, halka qofka dalka dibaddiisa joogana uu ku helayo 150 Doollar, iyadoo xarumo laga qaadan karana laga sameeyay Magaalooyin ku yaala dalalka Kenya, Ingiriiska, Sweden, Sacuudiga, Imaaraadka Carabta, Canada iyo Mareykanka.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia