5/8/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 17, 2007
Gabar Soomaaliyeed oo u sharaxan Baarlamaanka Finland


Sabti, March 17, 2007(HOL): Zahra Cabdulle oo ah Hooyo Soomaaliyeed kuna nool wadanka Finland, kana mid aheyd muddo 12 sano xildhibaanada goloha deeganka ee Helsinki, ayaa maalinta axada ee soo socota ee 18 maarso 2007 lagu rajo weyn yahay inay taariikhda Finland wax ka bedesho, oo ay noqoto qofkii ugu horeeyay ee ajnabi ah ee gala baarlamaanka Finland oo hadda boqol sano jirsaday.

 

Zahro waa musharaxad xisbiga cagaaran ama Green party (VihreƤ) ee Finland waxayna markii labaad muddo afar sano gudahood u sharxan tahay doorashada baarlaamnaka Finland ee dhacaysa maalinta axada ee soo socota haddii Rabbi Idmo.

 

Zahra waxay ku dhalatay Soomaaliya kuna soo qaadatay waxbarashadeedii hore, iyadoo markii hore ka mid aheyd araydii Soomaliyeed ee wax ku baran jiray wadanka Ruushka. Burburkii Ruusha ka dib Zahra waxay timid Finland, mana qasaarinin waqtigeedii qaaliga ahaa laakiin waxay bilowday sidii ay u sii wadi laheyd waxbarashadeeda iyadoo ka qalin jebesay machad sare oo ku yaalla Finalnd, waxayna Zahra shahaadada bechularka ku qaaday cilmiga umulisada.

 

Zahra Cabdulle waxay seddex jeer oo hore ku guulaysatay doorashada goloha deegaanka ee Helsinki, iyadoo mar kasta cod aad u badan ku soo galaysay. Waxaa kale oo ay zahra isu soo sharaxday sannadkii 2003 doorashadii baarlamaanka iyadoo markaas heshay codkii ugu badnaa ee uu helo qof ajanabi ku ah Finland, waxayna sigtay inay gasho baarlamaanka Finland.

 

Hadda oo ay Zahro markii labaad u sharxan tahay doorashada baarlamaanka Finland, waxaa la rajeynaa in Zarha Cabdulle ku guuleysato, waxayna sidoo kale Zahra ka rajeynaysaa Soomaalida degan caasimada Finland ee Helsinki inay codkooda siiyaan si ay Zahro macquul ugu noqoto inay waxyaabaha ay tabanaayaan hor dhigto baarlamaanka Finland.

 

Doorashada baarlamaanka Finland waxay dhacaysaa 18.3.2007 laga bilaabo 8:00 subaxnimo ilaa 20.00 galabnimo inta u dhaxaysa. Numbarka Zahra waa 35.

Halkan ka booqo Warbixin ku saabsan Musharaxnimada Zahra Abdulla


Abdishakur M. Moalin

[email protected]