5/13/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jan 8 , 2007
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Daqiiqado ka hor ka degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho


Isniin, January 08, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa daqiiqado ka hor ka degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, isagoo ka soo kicitimay Magaalada Baydhabo oo muddo sanad ku dhow uu ku sugnaa.

Madaxweynaha waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Salaad Cali Jeelle iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo horay Muqdisho ugu sii sugnaa.

Madaxweynaha ayaa haatan waxaa uu ku sugan yahay Xaruntii Villa Somalia ee looga arimin jiray Taliskii Mileteriga ahaa ee uu ka soo horjeeday. Madaxweyne Yuusuf oo shalay dib ugu soo laabtay Dalka Soomaaliya kadib markii uu socdaallo ku soo kala bixiyay dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaa socdaalkiisan wuxuu yahay midkii ugu horeeyay ee uu Magaalada Muqdisho ku yimaado tan iyo wixii ka dambeeyay markii bishii Oktoobar 2004 loo doortay Madaxweynenimada Soomaaliya.

Dad ku dhow dhow Madaxweynaha ayaa sheegaya in madaxweynaha uu si rasmi ah ugu howgeli doono Magaalada Muqdisho, isla markaana uusan socdaalkiisa ahayn mid waqti kooban ah kadibna uu dib ugu laabanayo Magaalada Baydhabo.

18-kii September ee sanadkii hore ayuu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ka badbaaday qarax la doonayay in lagu dilo, kaasi oo ka dhacay Magaalada Baydhabo, wuxuuna socdaalkiisan ku soo beegmayaa iyadoo uusan hagaagsaneyn ammaanka Magaalada Muqdisho oo habeenadii aynu ka soo gudubnay ay ka dhacayeen Qaraxyo midkii ugu dambeeyay xalay lala beegsaday Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Kuwo Itoobiyaan ah oo gacan siinaya, kuwaasi oo ku sugnaa inta u dhaxeysa Isgoysyada KM4 iyo KM5, iyadoo qaraxaasina ay ku dhinteen afar qofood oo rayid ah.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia