5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jan 27, 2007
8 Nin oo xalay Ciidamo Itoobiyaan ah kala baxeen guri ku yaala Magaalada Muqdisho

Sabti, January 27, 2007(HOL): 8 Nin oo rayid ah ayaa xalay laga kaxeystay guri ay deganaayeen oo ku yaala nawaaxiga Isgoyska KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay kaxeysteen Ciidamo Itoobiyaan ah, sida uu caddeeyay Guddoomiyaha Hay’adda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha Elman Inj. Sudaan Cali Axmed.

 

Inj. Sudaan waxaa uu sheegay in raggaas oo laga kaxeystay guri ka soo horjeeda Xarunta Elman ay lix ka mid ah ahaayeen ilaalada xarunta Elman, isagoo caddeeyay in aysan hub isticmaali jirin raggaas marka ay waardiyaha ku jiraan.

 

“Ciidamada Itoobiyaanka ah ee kaxeystay raggaasi waxay wateen afar gaari oo Tikniko ah, waxayna tiradoodu dhameyd afartameeyo”ayuu yiri Inj. Suudaan Cali Axmed oo sheegay in aaney aqoonin meel ay Ciidamada Itoobiyaanka la aadeen raggii ay kaxeysteen.

 

Inj. Suudaan waxaa uu sheegay in raggaasi markii ay wadanayeen Ciidamada Itoobiyaanka aysan qaarkood dhar badan qabin, wuxuuna falka lagula kacay ku tilmaamay mid lid ku ah xuquuqda aadanaha.

 

Wuxuu sheegay Suudaan Cali Axmed inay saakay xiriiro la sameynayaan Xafiisyada Dowladda Federaalka si ay wax uga ogaadaan xaaladda raggaas iyo sababta looga kaxeystay gurigii ay deganaayeen. Inj. Sudaan waxaa uu sheegay in uu tuhun yahay in ay jiraan dad Soomaali ah oo ka dambeeya in raggaas la kaxeysto, kuwaasi oo Itoobiyaanka farta ugu soo fiiqay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Itoobiyaanka Dad Soomaaliyeed kala baxaan guryahooda oo Muqdisho ku yaala, waxayna dhawaan kala baxeen guri ku yaala Degmada Huriwaa labo nin, kuwaasi oo aan la ogeyn ilaa iyo haatan halkii ay la aadeen.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia