5/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Feb 24, 2007
Afhayeenkii Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo xilkii iska wareejiyay

Sabti, February 24, 2007(HOL): Afhayeenkii hore ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ninka lagu magacaabo Yuusuf Ismaaciil Bari-Bari ayaa maanta xilkii Afhayeennimada Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ku wareejiyay Afhayeen cusub oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed).

 

Yuusuf Bari-Bari oo ka hadlay xafladdii uu xilkaas ku wareejinayay ayaa sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay in uu xilkaas ku wareejiyo Afhayeenka cusub, wuxuuna u rajeeyay in uu xilka loo magacaabay alle la garab-galo.

 

Afhayeenka cusub ee Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa horay wuxuu u ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada, wuxuuna sheegay in uu ku dadaali doono sidii uu uga soo dhalaali lahaa xilka loo magacaabay, isagoo warbaahintana ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

 

Yuusuf Ismaaciil Bari Bari ayaa loo magacaabay wakiilka Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Midowga Yurub, sidaas darteed ayuuna xilkii afhayeennimada madaxweyne C/llaahi Yuusuf ugu wareejiyay Af-hayeenka cusub Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub Sireed), iyadoo xafladdii xil wareejintana ay ka dhacday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia