5/5/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 2 , 2007
Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo sheegay in uusan is-dhiibin balse uu Kenya ku tegay Xiriir lala soo sameeyay


Jimco, February 02, 2007(HOL): Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa ugu baaqay Umadda Soomaaliyeed in ay ka wada hadlaan oo ay aayahooda ka tashadaan, si ay dhibaatada uga baxaan.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in waxgaradka Soomaaliyeed, Maxkamadaha, Ganacsatada iyo Bulshada Rayidka looga baahan yahay in ay ka wada hadlaan aayaha dalka Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid la heysto, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aysan waxba tareynin in la isku dhejiyo kursi iyo mansab aan waxba tareynin in ummadda Soomaaliyeed lagu dhibaato mooyee.

 

Shiikh Shariif waxaa uu beeniyay in uu Kenya isu dhiibay, wuxuuna caddeeyay in tegitaankiisa Kenya uu ka dhashay  xiriir dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya iyo Safaaradda Mareykanka ee Nairobi, kuwaasi oo ay ka wada hadleen xal u helidda mushkiladda Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin u jeediyay mas’uuliyiinta labadaas dhinac.

 

Waxaa uu sheegay in ay iska war qabaan mas’uuliyiintii kale ee Maxkamadaha Islaamka oo uu sheegay in ay dalka gudahiisa iyo dibaddiisa ku sugan yihiin, wuxuuna caddeeyay in ay bed qabaan oo ay shacabka Soomaaliyeed u soo dirayaan farriin ah in ay waajib tahay in la soo celiyo xorriyaddii iyo sharafkii Umadda Soomaaliyeed, wada hadalna loo diyaar garoobo, isagoo intaas ku daray in mas’uuliyiintii Maxkamadaha Islaamka ay ka badbaadeen duqeyntii diyaaradaha ay ka geysteen Koofurta Soomaaliya.

 

Shiikh Shariif waxaa uu sheegay in ay waajib tahay in ay ciidamada Itoobiyaanka ah isaga baxaan dalka Soomaaliya, si ay Umadda Soomaaliyeed aayahooda uga tashadaan, haddii ay ka bixi waayaana lagu qasbo. Sidoo kalena Shiikh Shariif waxaa uu digniin u diray Dalalka doonaya in ay Ciidamo u diraan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in aan Soomaaliya looga baahneyn ciidamo shisheeye, sidaasi darteedna ay dalalkaas ciidamadooda ceshadaan.

 

Guddoomiyaha Guddiga Fulinta Maxkamadaha Islaamka Shiikh Shariif oo u waramayay Taleefashinka Al-Jazeera ayaa beeniyay in Maxkamadaha Islaamka ay Ciidamo Mareykan ah heystaan, wuxuuna caddeeyay in ay wararkaasi yihiin kuwo aan jirin.

 

Wuxuu ka hadlay Sheekhu Falalka Nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in aan loo baahneyn in shacabka Soomaaliyeed dhibaato loo soo jiido in dhibka heysta laga dul qaado mooyee, wuxuuna ku cel celiyay in aaney diinta Islaamka meelna kaga oolin in shacabka Soomaaliyeed oo Muslimiin ah la waxyeeleeyo, balse wuxuu sheegay in ay tahay in la beegsado Cadawga Soomaaliyeed oo uu sheegay in uu yahay mid la yaqaano.

 

Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaa uu xaqiijiyay in uu tegayo dalka Yemen iyo dalal kale oo uusan carabaabin, wuxuuna caddeeyay in ay mar walba diyaar u yihiin in ay ka qeybgelayaan wada hadal aan lahayn wax shuruudo ah.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia