5/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Feb 16, 2007
Ciidamada Uganda oo Sabtida imaanaya Soomaaliya

Jimco, February 16, 2007(HOL): Afhayeen u hadlay Wasaaradda Difaaca Uganda ayaa sheegay in ay Dowladda Uganda u direyso Soomaaliya  Sabtida soo socota qeybtii ugu horeysay Ciidamo tiradoodu gaareyso 1,500 oo askari.

 

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Major Felix Kulayigye waxaa uu sheegay in ciidamada ay Uganda u direyso Soomaaliya ay saldhig ka sameysan doonaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, halkaasi oo asbuucyadii la soo dhaafay ay dad badan ku dhinteen kadib markii ay weerarro isku qaadeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwo Itoobiyaan ah iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Major Felix Kulayigye waxaa uu intaas ku daray in inkastoo ay soo gaareen hanjabaado uga imaanayay Kooxo Islaamiyiin ah oo ka soo horjeeda in Ciidamo shisheeye ay tagaan Soomaaliya uu hadana moral-ka Ciidamadooda yahay mid dhisan, wuxuuna intaas ku daray in Ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya ay yihiin kuwo muddo labo sano ah tababar ku jiray, isla markaana loo tababaray sida la isaga caabiyo weerarda ka dhasha kacdoonada.

 

Ciidamada ka socda Midowga Afrika ee Soomaaliya tegaya waxay bedeli doonaan Kumaan Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan deegaano dhowr ah oo dalka Soomaaliya ka tirsan, kuwaasi oo Dowladda Itoobiya ay qorsheyneyso in ay la baxdo, hayeeshee Ciidamo 8,000 oo askari gaaraya oo laga sugayay Dalalka Midowga Afrika ayaa ilaa iyo haatan laga hayaa 1,500 Askari oo Uganda ka imaanaya, inkastoo Dalalka Nigeria, Ruwanda iyo Ghana ay sheegeen in ay iyaguna ciidamo dirayaan.

 

Sidaasoo ay tahay meelaha loo soo wado Ciidamada Afrikaanka ah ee ay ugu daran tahay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka jira weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah (hit-and-run attacks), kuwaasi oo lala beegsanayo fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee gacanta siinaya, waxayna weeraradaasi bilowdeen kadib markii la wiiqay awooddii Maxkamadihii Islaamka.

 

Sidoo kalena warbixin bille ah oo ay soo saarto Qaramada Midoobay, isla markaana ka hadleysay xaaldda dalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in kadib bur burkii maxkamadihii Islaamka uu dalka Soomaaliya noqday mid fowdo ah, iyadoo taasina ay suurtagal ka dhigtay in ay dib isu soo abaabulaan Hoggaamiye Kooxeedyadii Soomaalida, waxayna taasi Qaramada Midoobay ku tilmaantay mid khatarteeda leh.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia