4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007
Maamul Goboleedka Puntland oo beeniyay in ay Qowmiyad Takoor ku sameeyeen Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa beeniyay in uu maamulkiisa Qowmiyad Takoor ku sameeyay dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay in warkaasi uu yahay mid laga sameeyay maamulka Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in ay jirto in diyaarad waday dad laga soo tarxiilay Sacuudiga dib looga celiyay Puntland, wuxuuna taasi ku macneeyay in ay la xiriirtay go’aan uu Maamulka Puntland ka qaatay guud ahaan dadka dib ugu loogu soo celinayo Soomaaliya.

 

“Dhowr jeer oo hore ayaan dib u celinay Dad la doonayay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaasi oo laga soo masaafurinayay Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Mareykanka, tanina waxay qeyb ka tahay go’aankaas”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo sheegay in ay ahayd in ay diyaaradda dib ugu celiso halkii ay ka soo duushay oo ahayd dalka Sacuudiga, balse aysan ahayn in ay meel kale ku dejiso.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uusan noqon madaxweynaha Puntland ay mas’uuliyiin uu ka mid yahay horay uga soo horjeedeen in dadka qaxootiga ah ee dibadda u qaxay dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan jirin sabab uu haatan u aqbalo in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo dad horay uga tegay dhibaato ka jirta aawgeed.

 

Inkastoo uu Madaxweynaha Puntland sidaan leeyahay hadana waxaa jira warar ka soo baxaya qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaas saarnaa, kuwaasi oo sheegaya in markii ay Diyaaradda ku dejisay Magaalada Gaalkacyo la kala soocay dadkii Diyaaradda wada saarnaa, isla markaana intii ka soo jeeday Deegaanada Puntland la dejiyay, halka intii kalena dib loo celiyay.

 

Diyaaraddan oo u kireysan Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa waday dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo tiradooda ay gaareysay 120 ruux, kuwaasi oo qorshuhu ahaa in laga dejiyo magaalada Muqdisho balse dagaallo ka socday aawadeed ay taasi suurtageli weysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia