Wararka Maanta- Khamiis, Apr 5 , 2007


Maamul Goboleedka Puntland oo beeniyay in ay Qowmiyad Takoor ku sameeyeen Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa beeniyay in uu maamulkiisa Qowmiyad Takoor ku sameeyay dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay in warkaasi uu yahay mid laga sameeyay maamulka Puntland.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in ay jirto in diyaarad waday dad laga soo tarxiilay Sacuudiga dib looga celiyay Puntland, wuxuuna taasi ku macneeyay in ay la xiriirtay go’aan uu Maamulka Puntland ka qaatay guud ahaan dadka dib ugu loogu soo celinayo Soomaaliya.

 

“Dhowr jeer oo hore ayaan dib u celinay Dad la doonayay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaasi oo laga soo masaafurinayay Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Mareykanka, tanina waxay qeyb ka tahay go’aankaas”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo sheegay in ay ahayd in ay diyaaradda dib ugu celiso halkii ay ka soo duushay oo ahayd dalka Sacuudiga, balse aysan ahayn in ay meel kale ku dejiso.

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uusan noqon madaxweynaha Puntland ay mas’uuliyiin uu ka mid yahay horay uga soo horjeedeen in dadka qaxootiga ah ee dibadda u qaxay dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan jirin sabab uu haatan u aqbalo in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo dad horay uga tegay dhibaato ka jirta aawgeed.

 

Inkastoo uu Madaxweynaha Puntland sidaan leeyahay hadana waxaa jira warar ka soo baxaya qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaas saarnaa, kuwaasi oo sheegaya in markii ay Diyaaradda ku dejisay Magaalada Gaalkacyo la kala soocay dadkii Diyaaradda wada saarnaa, isla markaana intii ka soo jeeday Deegaanada Puntland la dejiyay, halka intii kalena dib loo celiyay.

 

Diyaaraddan oo u kireysan Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa waday dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo tiradooda ay gaareysay 120 ruux, kuwaasi oo qorshuhu ahaa in laga dejiyo magaalada Muqdisho balse dagaallo ka socday aawadeed ay taasi suurtageli weysay.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

 

Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha Ugaas Khaliif oo warbixin ka soo saaray dhibka ay Caruurta ka muteen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay

4/5/2007 7:53 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Warbixn dheer oo dhinacyo badan taabaneysa Islamarkaana uu saaray Ururka Daryeelka Caruurta iyo Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif, fadhigiisuna yahay magaalada B/weyn ayaa si Faah Faahsan waxaa ay uga hadashay Arimo la xiriira dhibaatada Caruurta Soomalidu ka Muteen Dagaaladii Cuslaa ee ka dhacay Caasimada Muqdisho iyo waliba Heerka Cudurka Shubanku uu gaarsiin yahay Gobalka Hiiraan.

Dowladda Federaalka oo dib u dhigtay Shirkii Dib u heshiisiinta ahaa ee ay ku baaqday

4/5/2007 7:47 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dib u dhigtay shirkii ay ku baaqday in uu 15-ka bishan ka furmo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada Beledweyne oo sheegay in ay u socdaan wax ka qabashada nabadgelyada Gobolka

4/5/2007 3:15 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Kulan saacado dheer qaatay oo ay wada galeen Saraakiisha Ciidamda Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn iyo waliba Saraakiisha Ciidamada Booliska Gobalka Hiiraan ayaa si faah-faahsan oo qoto dheer waxaa looga hadlay u jeetada socdaalka Ciidamada Itoobiya ee dhawaan soo dagay Deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magaalada.

Dowladda Federaalka sidee bey u arkeysaa Heshiiska Xabad-joojinta ah ee ay wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Itoobiya?

4/5/2007 3:10 AM EST
Khamiis, April 05, 2007(HOL): Afhayeenka Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed Ninka lagu magacaabo Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) ayaa ka hadlay heshiiska xabad-joojinta ah ee ay dhawaan wada gaareen Odayaasha Beelaha Muqdisho iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

End indiscriminate attacks in Mogadishu -HRW

4/5/2007 11:28 PM EST
newsinsideNew York, (HRW) – The Ethiopian military, Somali government, and insurgent groups operating in Mogadishu must cease all indiscriminate attacks, Human Rights Watch said today. Human Rights Watch called on the parties to the conflict to take all necessary steps to protect the civilian population from further fighting, including ensuring access to humanitarian assistance.

Eritrea says ex-Somali speaker and deputy PM in country for talks -Reuters

4/5/2007 11:08 PM EST
ASMARA, April 5 (Reuters) - Eritrea said on Thursday that Somalia's former parliament speaker and a deputy prime minister were in the Horn of Africa country to discuss ways to help Somalia out of its problems.

Report Says War on Terror Violating Human Rights in Kenya, Somalia, Ethiopia -VOA

4/5/2007 10:57 PM EST
Nairobi, Kenya (VOA) - An Ethiopian official denies an Associated Press report that says U.S. officials are interrogating terrorism suspects in secret prisons in Ethiopia. Human Rights Watch, meanwhile, says the report is likely true, given its own report documenting cooperation between the Kenyan, Ethiopian, Somali and U.S. governments on the war on terror. Cathy Majtenyi reports for VOA from Nairobi.

Somali PM Says Reconciliation Conference Still On -VOA

4/5/2007 10:52 PM EST
newsinsideSomalia's interim prime minister says a national reconciliation conference scheduled for April 16 in Mogadsihu will take place despite chronic violence in the capital.

Europe Looks Into Possible War Crimes in Somalia -NY Times

4/5/2007 10:21 PM EST
NAIROBI, Kenya, April 5 — European diplomats said Thursday that they were investigating whether Ethiopian and Somali government forces committed war crimes last week during heavy fighting in Somalia’s capital that killed more than 300 civilians.

China/US in Africa -CBC

4/5/2007 5:16 PM EST
There is some prospecting going on in Africa of late... economic and political exploration by two Super Powers.

Marching on -

4/5/2007 4:51 PM EST
The Republic of Djibouti is situated at the junction of the rifts of the Gulf of Aden, the Red Sea and East Africa. Most of the country is volcanic. Some sedimentary formations of the Mesozoic era

Best chances for Somali peace in years: US official -AFP

4/5/2007 2:37 PM EST
CAIRO (AFP) - Renewed international focus on Somalia and pervasive exhaustion with the incessant fighting in the war-torn country make for a rare opportunity for peace to succeed there, a US official said Thursday.

Ugandan troops join Somali refugee relief effort -Reuters

4/5/2007 2:33 PM EST
LAFOLE, Somalia (Reuters) - Ugandan peacekeepers ventured out of Mogadishu for the first time on Thursday, delivering clean water to thousands of refugees displaced by fighting between Somali and Ethiopian forces and rebels.

US Urges Support for AU Peace-Keeping in Somalia -ENA

4/5/2007 8:40 AM EST
Addis Ababa, Ethiopia (ENA) - The United States Tuesday urged greater international support for the African Union peace-keeping in Somalia. The State Department appeal came as senior U.S., European and African diplomats met in Cairo to discuss the current situation in the Somali capital, Mogadishu, VOA reported.

Locals mobilised to assist displaced civilians -IRIN

4/5/2007 8:33 AM EST
NAIROBI, 5 April 2007 (IRIN) - Civil society organisations in Somalia have launched a campaign to help thousands of desperate civilians displaced by the fighting in Mogadishu, the capital.

Brief fighting at Mogadishu flashpoint -AFP

4/5/2007 8:27 AM EST
MOGADISHU (AFP) - Heavy exchanges of weapon fire and shelling broke out briefly overnight in a Mogadishu district where Ethiopian troops are facing off with Islamist insurgents and clan fighters, residents said Thursday.

U.S. tries new strategy with Somalia -USA TODAY

4/5/2007 8:23 AM EST
CAMP LEMONIER, Djibouti — The United States is using surrogate nations and financial aid in an effort to prevent Somalia from slipping further into chaos as militias battle in Mogadishu, Somalia's capital.

Somali Workers Quit Chicken Processing Plant Over Prayer Time Dispute -HOL

4/5/2007 12:33 AM EST
For eight months, Issak Horor delayed his floating break time to say his dusk prayers. That was until Sunday, when his employer, Gold’n Plump, a St. Cloud-based chicken processing company, told him that he wasn’t eligible to do that anymore. “I told them that God made me eligible to pray five times a day,” said Horor in a telephone interview from his home in Rochester.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter