Wararka Maanta- Sabti, Apr 28, 2007


Maxamed Dheere oo loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho

Khamiis, April 26 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Gobolka Shabeelada Dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Magaalada Muqdisho.
 
Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa wareegto uu soo saaray xilkaas ugu magacaabay Maxamed Dheere, iyadoo magacaabistaasna la sheegay in uu aqbalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Magacaabista Maxamed Dheere loo magacaabay Guddoomiyenimada Gobolka Banaadir ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo Dowladda Federaalka ay la wareegtay gebi ahaanba gacan ku heynta Magaalada Muqdisho oo muddo bil ah ay dagaallo khasaare geystay ka socdeen.
 
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Dheere ayaa muddo shan sanadood ah waxaa uu Guddoomiye ka ahaa Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo deegaanada hoos yimaado gobolka Shabeelada Dhexe-na uu ka hirgeliyay ammaan la isku haleyn karo oo suurtageliyay in ay muddo 9 bilood ah ku soo shaqeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya, markii ugu horeysay ee ay u soo guurtay gudaha dalka Soomaaliya.
 
Maxamed Cumar Xabeed (Maxamed Dheere) oo ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka Soomaaliyeed ee ka soo baxay nidaamkii ay beelaha Soomaaliyeed wax ku qeybsadeen ee 4.5 ayaa jagadiisii Xildhibaannimo waxaa uu ku wareejiyay Ra'iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ay hortaalay noqoshadiisa Ra'iisal Wasaaraha Soomaaliya caqabad ahayd in uu marka hore noqdo Xildhibaan.
 
Maxamed Dheere ayaa ka mid ahaa Hoggaamiye Kooxeedyo ay deegaanadoodii kala wareegeen Maxkamadihii Islaamka ee mudada lixda bilood ah ka taliyay deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya, inkastoo ay hoggaamiyayaashaasi lix bilood kadib dib ugu laabteen deegaanadoodii.
 
Duqa Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay u ahaan jiray Maxamuud Xasan Cali (Cadde), kaasi oo haatan xilkaasi laga wareejiyay. lama oga in Cadde Gaabow uu raali ka yahay xil ka qaadista lagu sameeyay iyo in uu dood ka qabo, walow ay jiraan warar aan si rasmi ah loo shaacin oo sheegaya in Duqii hore ee Magaalada Muqdisho xil ka qaadista lagu sameeyay loogu bedeli doono xil kale oo Safiirnimo ah.
 
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maxamed Cumar Maxamed Dheere ayaa magacaabistiisan waxay ku soo beegmeysaa iyadoo magaalada Muqdisho uu is-bedel weyn ka dhacay kadib dagaallo muddo bil ah ka socday, kaasi oo ay ku dhinteen, ku dhaawacmeen, kuna barakaceen dad aad u faro badan.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia

 

Ciidamada maamulka Gobolka iyo Kuwa Itoobiya oo Howl-galo Amaanka lagu sugayo ka bilaabay Qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

4/28/2007 10:21 AM EST
Sabti, 28, Apri. 2007 (HOL) Waxaa siweyn u socnaya howl-galo baxad leh oo ay wadaan Ciidamada Maamulka Gobalka Hiiraan oo Garbsanaya kuwa Dowlada Itoobiya ee ku sugan Duleedka Magaalada B/weyn, sida uu xaqiijiyay Gudoomiyaha Maamulka Gobalka Eng. Xuseen Max'ud Maalin.

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay in uu waqtigeeda dhamaaday Dowladda Federaalka

4/28/2007 10:07 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan oo haatan ku sugan magaalada Asmara ee dalka Eretereya ayaa sheegay in uu dhamaaday waqtigii jiritaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana aysan hadda Soomaaliya ka jirin wax dowlad ah.

Ciidamada Dowladda Federaalka oo howlgallo nabad-sugid ah ka bilaabay Magaalada Muqdisho

4/28/2007 10:06 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la arkayay iyagoo howlgallo nabad sugid ah ka waday Magaalada Muqdisho, isla markaana baarayay gaadiidka isaga kala goosha waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in ay la hadlayaan cid kasta oo aan Dagaal wax ku dooneyn

4/28/2007 10:04 AM EST
Sabti, April 28 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federeraalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Xarunta Villa Somalia ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay iyo sida ay haatan tahay Xaaladda Muqdisho.




Latest Somalia Fighting Raises Concerns Over Future Stability -VOA

4/28/2007 10:49 AM EST
Somalia's Prime Minister, Ali Mohamed Gedi, is claiming victory over Islamic insurgents in Mogadishu, and he says fighting in the Somali capital is almost over. But the latest round of clashes raises concerns about future stability in Somalia and has led to calls on the transitional government to reach out to dissident elements. VOA's Bill Rodgers reports.

Ethiopia Calls On UN to Take Action Against Eritrea -The Report

4/28/2007 10:42 AM EST
Addis Ababa (The Reporter) - Ethiopia blamed longtime enemy Eritrea Wednesday for an attack on a Chineseowned oil exploration field that killed 74 people, escalating the dangerous brinkmanship between the neighboring countries.

African Union Says Peacekeepers Urgently Needed in Somalia -VOA

4/28/2007 10:35 AM EST
The head of the African Union says more peacekeepers are urgently needed in Somalia's capital after more than a week of intense fighting.

Govt troops patrol Mogadishu, search for arms -Reuters

4/28/2007 10:30 AM EST
MOGADISHU (Reuters) - Allied Somali-Ethiopian troops patrolled Mogadishu on Saturday, hunting for weapons after claiming significant gains in battles with insurgents that have killed at least 1,300 people since February.

Somali president says Islamists defeated -AFP

4/28/2007 10:27 AM EST
Mogadishu, Somalia (AFP) - Somali President Abdullahi Yusuf Ahmed said Islamist forces in Mogadishu had been defeated and appealed to residents fleeing the recent flare-up in violence to return home.

Mogadishu: Another Darfur in the Making? -Congressman Donald Payne

4/28/2007 10:21 AM EST
Innocent civilians in Mogadishu are being killed and maimed by Ethiopian security forces and the militia of the Transitional Federal Government (TFG). The atrocities being committed against innocent civilians in Mogadishu are war crimes and crimes against humanity. It is shameful and criminal to use tanks and heavy artillery against civilians.





 




Hiiraan Online
Wararka Maanta RSS
Contact:webmaster@hiiraan.com
Copyright © 2008 Hiiraan Online

hit counter