4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2007
QOYSASKA KA SOO BARAKACAYA MAGAALADA MUQDISHO OO FALAL ISUGU JIRA DIL IYO DHACBA KALA KULMA JIDKA ISKU XIRA DEGMADA BUULA BURTE IYO MUQDISHO.
Jimco, 13, April. 2007 (HOL)   Waxaa siweyn isu soo taraya Dhibaatada kooxo Burcad ah ay ku hayaan Dadka ku safra watada u dhaxeeya Degmada Buula-burte iyo waliba Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qoysaska ka soo barakacaya dagaalada Muqdisho oo waqtigan la oran karo waa kuwa ugu badan ee ku safra watada dheer ee isku xirta Gobalada dhaxe.
 
Wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya deegaanaka Jinbiley oo ka Tirsan degmada Buula-burte ayaa sheegaya in Rasaas aan loo meel dayin oo lagu furay Gadiid ay la socdeen Qoysas ka soo Barakacay caasimada Muqdisho ay ku geeriyoodeen 2 Ruux  oo kala ah darawalkii waday gaariga Rasaastu haleeshay iyo waliba Gabar sida la sheegay  8 sano jir ah, halka 5 kalan ay ku dhaawacmeen.
 
warakan oo uu HOL u xaqiijiyay mid ka mid ah dadka Deegaanka ayaa waxaa uu intaa ku darayaa in gaariga Rasaasta lagu furay ka dib markii uu isku dayay in uu ka baxsado kooxda Burcada ah, isagoo intaa ku daray in kuwa kale oo ka mid ah gaadiidkii la socday gaariga Rasaasta lala beegsaday ay kooxaha burcadu baarteen dadkii saarnaa iyaga oo ka qaatay wixii ay siteen.
 
Ma'aha markii ugu horeysay oo deegaanka Jinbiley kooxo Burcad ah ku weeraraan Gadiidka ay la socdaan dadka dhibaateysan ee ka soo Baxsanaya dirirta ka socta Caasimada Muqdisho, waxaana xusid mudan in Isla todobaadkan horaatiisii  lagu dilay isla Tuula Jinbiley Qof Rakaab ah, halka Gudaha degmada Buula-burtana is Rasaaseyn dhax-marta labo koxood ay ku dhimatay Qof Dumar ah oo sidatay ilmo yar  oo jira 4 Bilood
 
Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa iyagu wali wax war ah ka soo saarin arimaha la xiriira nabad-galyo darada ka jirta qeybo ka mid ah gobalka Hiiraan, lakiin dhawaan ayeey aheyd markii saraakiisha Ciidamada Itoobiya kulan ay la qaateen Odayaasha Qabaa'ilka gaar ahaan kuwa ka soo jeeda deegaanda dadka lagu wax yeeleeyo ku amreen in lagu soo wareejiyo hubka ay isticmaalaan kooxahaasi ama loo fasaxo in ay howl-gal ka sameeyaan goobaha fariisinka u ah.
 
dhanka kale waxaa arintan siwey  u canbaareeyay Ururka Daryeelka Caruurta iyo waliba Xuquuqda Aadanaha ee Ugaas Khaliif  oo ku tilmaamay falalka ka soo cusboonaaday qeybo ka mid ah gobalka kuwo laga naxo, gaar ahaan waxaa uu ururku ugu baaqay qeybaha nabad-galyada Maamulka in arintaa fiiro gaar ah loo yeesho loo bad baadiyo dadka soo maciin bidaya nabad-galyada ka jirta Gobalka iyo waliba kuwa dariska la ah.
 
C/raxmaan Diini
Hiiraan Online