4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2007
Ra’iisal Wasaare Geedi oo sheegay in dadkii waxyeellada ka soo gaartay Dagaalladii Muqdisho ay Dowladda Federaalka horay ugu digtay
Jimco, April 13, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dafiray in ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya ay si ula kac ah madaafiic ugu garaaceen dad rayid ah oo ku sugnaa goobihii ay ka dhaceen dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
 
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay dowladda Federaalka horay ugu digtay dadka ku nool goobihii ay dagaallada ka dhaceen, halkaasi oo uu sheegay in ay ku dhuumanayeen kooxo ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo in nabadgelyo lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.
 
Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo u waramayay Idaacadda BBCda Laanteeda Afka Soomaaliga waxaa uu intaas ku daray in ay Dowladda Federaalka waqti gaaban gudahiis ay wax uga qaban doonto nabadgelyo darrada ka jirta Dalka Soomaaliya, gaar ahaana Caasimaddiisa Muqdisho.
 
Dhanka kalena, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay qiimeyn laga sameeyay khasaaraha ka dhashay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, wuxuuna diiday in khasaaraha dagaalkaas uu yahay sida uu u soo qiimeeyay guddi ay Odayaal ka tirsan Beelaha Hawiye u saareen soo qiimeynta khasaaraha dagaalkaas.
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha XukuumaddaFederaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere) oo maalintii shalay ahayd shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa isna waxba kama jiraan ku tilmaamay qiimeynta ay sameeyeen guddigaas, wuxuuna carrabka ku dhuftay in warbixintaas ay tahay mid aan sax ahayn oo aan qiimeynteeda waqti la siinin.
 
Guddi 11 xubnood ka kooban oo ay Odayaasha Beelaha Hawiye u xil saareen soo qiimeynta khasaarihii ka dhashay dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu ku sheegayo in dagaalladii afarta maalmood Muqdisho ka socday ay ku dhinteen dad dhan 1086 ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 4,344 ruux oo isugu jira dhaawac, culus, mid fudud, una badan Dumar, Caruur iyo Waayeel, halka ay ku barakaceen dad dhan 1.4 Milyan, iyadoo guddigan uu khasaaraha hantiyeed ee uu dhaliyay dagaalkaasna ku sheegay 1.5 Bilyan oo Doollarka Mareykanka ah.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis).
Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia