4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2007
Wasiirrada Arrimaha Dibadda IGAD oo ka wada hadlaya arrimaha Dalka Soomaaliya
Jimco, April 13, 2007(HOL): Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
 
Shirkan oo ah midkii 26aad oo ay Wasiirradan isugu yimaadaan ayaa waxaa ajendayaasha looga hadlayo ka mid ah xaaladda dalka Soomaaliya iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho, iyadoo aysan meesha ka marneyn in ay wasiirrada isla soo qaadi doonaan arrimo ku saabsan dalka Suudaan.
 
Shirkan oo ka socda Hotelka Grand Regency ee magaalada Nairobi ayaa waxaa furay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Mr. Raffael Tuju, wuxuuna hordhac u yahay shir ay madax ka socota Urur Goboleedka IGAD ay dhawaan isugu imaan doonaan.
Shirkan oo ay ka qeybgelayaan Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Francois Lonseny Fall iyo madax kale oo ka socota Midowga Afrika ayaa waxaa looga hadlayaa mushkiladda dalka Soomaaliya iyo sidii xal loogu heli lahaa.
 
Francois Fall oo ka hadlay furitaanka shirka ayaa walaac ka muujiyay dagaallada ka dhacay Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in loo baahan yahay in shir dib u heshiisiineed loo qabto dhinacyada isku haya Soomaaliya, isagoo sidoo kalena caddeeyay inay xaalad bani’aadannimo oo aad u adag ay soo wajahday dadkii ka qaxay dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay, kuwaasi oo qaarkood ku hoos nool geedo ay marooyin ku xirteen.
 
Dalka Soomaaliya oo ka mid ah 7da dal ee ku midoobay Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa ka taagan xiisad dagaal oo u dhaxeysa Ciidamada Dowladda Federaalka oo gacan ka helaya Ciidamada Dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo dagaallo dhawaan dhexmarayna ay sababeen khasaaro dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed isugu jira.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia