4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2007
Odayaasha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo shir ku leh Magaalada Muqdisho
Jimco, April 13, 2007(HOL): Ergooyin kala metalaya Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina looga wada hadlayo xal u helidda dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
 
Kulanka maanta ayaa waxaa uu ka duwan yahay kulamo ay labada dhinac horay u yeesheen, waxaana kulanka maanta ka qeybgelaya saraakiisha Ciidamada Beelaha Hawiye ee dagaalka la galay Ciidamada Itoobiyaanka ah.
 
Sida uu sheegay Afhayeenka Beesha Hawiye Axmed Diiriye Cali waxaa kulanka maanta looga wada hadlayaa sidii loo kala qaadi lahaa ciidamada labada dhinac, sidoo kalena loo sii adkeyn lahaa xabad-joojintii ay labada dhinac kala saxiixdeen.
 
Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah ee shirarka la leh Odayaasha Beesha Hawiye ayaa maalintii shalay ahayd waxay u sheegeen Odayaashii ay la kulmeen in ay shirka keenaan Saraakiisha hoggaamineysay Kooxaha dagaalka kala soo horjeeday Ciidamada Itoobiyaanka, shuruuddaas darteed ayayna Odayaasha Beesha Hawiye ugu darsadeen xubnaha shirka uga qeybgelaya afar sarkaal oo qeyb ka ahaa dagaalkii dhawaan Muqdisho ka dhacay.
 
Inkastoo ay rajo wanaagsan muujinayaan Odayaasha Beesha Hawiye, hadana waxaan la ogeyn in ay Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ogolaan doonaan qodobo ay soo jeediyeen Odayaasha Hawiye oo ku saabsan in Ciidamada labada dhinac la kala qaado, si ay meesha uga baxdo in ay labada dhinac mar kale dagaalamaan.
 
Heshiis ay gaaraan labada dhinac ayaa waxaa si weyn u sugaya dad badan oo ka qaxay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qaarkood ay ku dandareysan yihiin daafaha Magaalada Muqdisho, halka kuwo kalena ay u bara-kaceen Gobollo kale oo ka tirsan Dalka Soomaaliya.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia