3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 13, 2007
Dowladda Federaalka oo loogu baaqay in ay qeyb ka noqoto heshiiska Xabad joojinta ah ee ay wada gaareen Odayaasha beesha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya
Jimco, April 13, 2007(HOL): Odayaal ka tirsan Beesha Hawiye oo shir ku yeeshay Hotelka Amiira ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka in ay qeyb ka noqoto heshiiska xabad joojinta ah ee ay wada gaareen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.
 
Dr. Xuseen Xaaji Maxamed Bood oo ka mid ah Odayaashii shirkaas ka qeybgalay ayaa sheegay in ay isla garteen in loo baahan yahay in ay Dowladda Federaalka qeyb ka noqoto heshiiska xabad joojinta, bacdamaa ay iyadu Muqdisho keentay Ciidamada Itoobiyaanka.
Kulankan oo ay ka qeybagaleen Odayaal ka soo jeeda Beelaha Hawiye ayaa aragti mid ah ka muujiyay sida ay uga xun yihiin dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo khasaarihii ay geysteen dagaalladaas, waxayna ku baaqeen in khilaafaadka jira wada hadal lagu xaliyo.
 
Ugaas Cabdi Daahir Ugaas Nuur oo ka mid ah Odayaashii kulankaas ka qeybgalay, isla markaana ka mid ah Odayaasha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladda Federaalka looga baahan yahay in ay u dhaqanto si dowladnimo ah, isla markaana ay si wanaagsan ula dhaqanto dadka ay metesho.
 
Shirkan oo ahaa mid saacado badan qaatay ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay magaalada Muqdisho ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda, tiiyoo ay jirto xabad joojin ay wada gaareen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan iyo Odayaasha Beelaha Hawiye.
 
Dagaalladii ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xal ka gaaridooda waxaa ka wada hadlaya Odayaal ka socda Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaana iyadoo heshiiskaas uu jiro Muqdisho laga maqlayaa rasaas goos goos ah oo ay isku ridayaan labada dhinac ee Muqdisho ku dagaalamay, taasina waa tan keentay in ay Odayaashan ka soo jeeday Beelaha Hawiye ay ku baaqaan in ay Dowladda Federaalka qeyb ka noqoto wada hadallada u dhaxeeya Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.
 
15 Cisho ayaa ka soo wareegatay maalintii uu Muqdisho ka qarxay dagaalkii afarta maalmood socday ee ay dadka badan ku dhinteen, tan iyo xiligaasna ma jiro wax horumar ah oo laga gaaray in la dhameeyo xiisadda colaadeed ee Xamar ka aloosan, marka laga reebo in ay Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee Muqdisho ku sugan ay wada gaareen heshiis xabad-joojin ah oo aysan qeyb ka ahayn Dowladda Federaalka oo iyadu Muqdisho keentay Ciidamada Itoobiyaanka.
 
Salaad Iidow Xasan (Xiis). Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia












Click here
4/13/2007 1:10 PM EST
Jimco, 13, April. 2007 (HOL) Waxaa siweyn isu soo taraya Dhibaatada kooxo Burcad ah ay ku hayaan Dadka ku safra watada u dhaxeeya Degmada Buula-burte iyo waliba Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Qoysaska ka soo barakacaya dagaalada Muqdisho oo waqtigan la oran karo waa kuwa ugu badan ee ku safra watada dheer ee isku xirta Gobalada dhaxe.

4/13/2007 1:08 PM EST
Jimco, April 13, 2007(HOL): Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi ayaa dafiray in ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ee gacanta siinaya ay si ula kac ah madaafiic ugu garaaceen dad rayid ah oo ku sugnaa goobihii ay ka dhaceen dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.

4/13/2007 1:07 PM EST
Jimco, April 13, 2007(HOL): Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur Goboleedka IGAD ayaa waxay shir ku saabsan arrimaha Soomaaliya iyo Suudaan ku leeyihiin Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

4/13/2007 1:05 PM EST
Jimco, April 13, 2007(HOL): Ergooyin kala metalaya Odayaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa haatan waxaa uu kulan uga socdaa Magaalada Muqdisho, iyadoo kulankaasina looga wada hadlayo xal u helidda dagaalladii dhawaan Muqdisho ka dhacay.