4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2007
Dagaal maalintii labaad ka socda Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho

Khamiis, April 12, 2007(HOL): Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalintii labaad ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kooxo ka soo horjeeda.

 

Dagaalka oo goos goos ah ayaa wuxuu ka socdaa Xaafadaha Fagax iyo Jamhuuriya ee Degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, waxaana tan iyo intii uu bilowday ku geeriyooday dad toban ruux ku dhow, halka ay ku dhaawacmeen dad kale oo intaas ka badan.

 

Dagaalkan maalintii labaad ka socda xaafadaha ka tirsan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay isu socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka isku xira Fagax iyo Maana-boolyo iyo Fagax iyo Ex-Koontarool Balcad, inkastoo uu yahay mid goos goos ah oo mar bilaabanaya marna istaagaya.

 

Dagaalkan wax lug ah kuma lahan dagaalladii dhawaan ka dhacay Muqdisho ee ay xabad joojinta ka gaareen Odayaasha Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan, waa sida uu sheegay Afhayeenka Guddiga Xabad-joojinta Beelaha Hawiye Xuseen Siyaad Qoor-gaab.

 

Magaalada Muqdisho waxaa ka qaxay inta badan dadkii ku noolaa, kuwaasi oo u barakacay Degmooyinka u dhow Gobolka Banaadir iyo Gobollada kale ee dalka, waxaana weli sii socda barakaca ay dadku sameynayaan, waayo weli ma jiro wax xal ah oo laga gaarayo dagaallada socda.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia