4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2007
Shir xal loogu raadinayo Dagaallada Muqdisho oo berri ka dhacaya Hotel Ramadaan

Arbaco, April 11, 2007(HOL): Maalinta berri ah ayaa la filayaa in lagu qabto Hotelka Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid shir xal loogu raadinayo dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

 

Shirkan oo ay ka qeybgelayaan Beelaha Hawiye ayaa waxaa looga hadlayaa dhameynta khilaafaadka u dhaxeeya Beelaha Hawiye, iyadoo la rajeynayo in shirkaasi ay ka soo baxaan go’aano mid ah oo ay Beelaha Hawiye ku wajahayaan xaaladda ay ku sugan tahay Magaalada Muqdisho iyo dagaalladii dhawaan ka dhacay.

 

Islow Xuseen Cali Nuur oo ka mid ah Odayaasha Beelaha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay in uu kulankaasi maalinta berri ah dhici doono, isla markaana ay ka soo bixi doonaan natiijo lagu farxo oo ay dib ugu soo noqon doonaan dadkii ka qaxay Magaalada Muqdisho.

 

Islow Xuseen Cali Nuur waxaa uu intaas ku daray in ay shirkaasi soo qaban qaabisay Beesha Mudulood, isla markaana ay ka qeyb geli doonaan beelaha Hawiye oo dhan.

 

Shirkan ay Beelaha Hawiye ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo natiijo laga keeni la’ yahay kulamo ay yeesheen Odayaal ka soo jeeda Beesha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ee Muqdisho ku sugan, sidoo kalena wuxuu shirkan ku soo beegmayaa iyadoo ay Muqdisho ka dhaceen dagaallo ay dad badan ku dhinteen, isla markaana ay ku dhaawacmeen, kuna barakaceen dad kale oo aad u tiro badan.

 

Shirkan ayaa natiijo ka soo baxda waxaa ka war-dhowraya Dadka Muqdisho ku dhaqan iyo kuwo ka barakacay magaalada Muqdisho oo xaalad nolol xumo ay ku heyso daafaha Magaalada Muqdisho iyo gobollo kale oo ka tirsan dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia