4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 10, 2007
Guddiga Qiimeynta Khasaaraha Dagaalladii Muqdisho oo warbixin soo saaray

Talaado, April 10, 2007(HOL): Guddi ay Odayaasha Beelaha Hawiye u xil saareen soo qiimeynta Khasaarihii ka dhashay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa soo saaray warbixin uu ku soo bandhigayo qiimeynta uu soo sameeyay.

 

Xuseen Siyaad Qoor-gaab oo ka mid ah Guddigan ayaa saxaafadda u qeybiyay warbixinta uu guddiga soo saaray ee la xiriirta  khasaarihii ka dhashay dagaalladii afarta maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, iyadoo uu guddigu khasaaraha u kala qaaday dhimasho, dhaawac, barakac iyo burbur hantiyeed.

 

Haddaba Qiimeynta guddigan uu soo sameeyay oo soo gaartay HOL ayaa waxay u qorneyd qaabkan:

 

Guddiga qiimeynta waxyeeladii ay geysteen dagaaladii ka dhacay Muqdisho 29/03/07--01-04-2007..

 

Ujeedo: Qiimeyn xasuuq, barakac, burbur iyo qasaare loo geeystay dadka degan Muqdisho.

 

Guddiga qiimeynta qasaarihii dagaaladii Muqdisho oo ay magacaabeen Guddiga Beelaha Hawiye kana kooban saraakiil, Dhaqaatiir, culuma udiin, ganacsato, macalimiin, una xilsaareen soo uruurinta iyo diwaan galinta qasaarihii, burburkii iyo barakicii ku dhacay shacabka Somaliyeed ee dagan magaalada Muqdisho, taasoo ay geysteen ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda KMG ah.

 

Gudiga waxa ay ku soo uruuriyeen kuna qiimeeyeen qasaaraha leh dhimasho, dhaawac, barakac, burbur, tacadiyo ka dhan baniaadnimada sida xabsi, jirdil, kufsi, waali, hurdo la'aan, dhac IWM.

 

Guddiga waxa ay soo uruuriyeen xogta hoos ku qoran.

1. Xasuuqa Dadweeynaha,
A: Dhimasho:

 

Dadkii lagu xasuuqay duulaankii ciidamada Ethiopia iyo TFG oo iskaashanaya kana dhacay masaafo gaareysa 10 KM oo ay sheegtay dowladda KMG ah, in la baneeyo, lagana guuro, waxaana lagu dilay dad rayid ah oo gaaraya 1086 ruux oo isugu jira caruur, haween, dad da' ah iyo dhalinyaro.

 

B: Dhaawac

 

Dhaawaca ka dhashay duulaankaasi waxa uu gaarayaa 4344 ruux oo isugu jira dhaawac, culus, mid fudud, una badan Dumar, Caruur iyo Waayeel.

 

2. Barakaca.

 

Dadka Muqdish dagan waxaa lagu qiyaasay (2.400.000) waxaana guryahoodii ka barakacay (1.400.000) qof, iyadoo halmilyan ay ka baxeen xaafadaha Muqdisho halka inta kalena ay ku dhex qaxeen xaafadaha kale ee magaalada Muqdisho, dadkaasi oo la ildaran biyo la'aan, cunto la'aan, hoy la'aan, cuduro uu ka mid yahay shuban biyoodka, amaan darro ay kala kulmeen burcadka wadooyinka, iyadoo la soo sheegayo in ka badan 70 dhac maalin walba ah oo isugu jira dilal, boob, hanti iyo kufsi.

 

3. Burburka hantida.

 

Hantida ku burburtay dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa lagu qiyaasay $1.5 billion oo dollar, hantidaasi oo kala ah mid guud, mid gaar ahaaneed, sida:-

 

A:-hantida guud, sida goobaha waxbarashada, jaamacadaha, iskuulada, dugsiyada qur'aanka, Warshadaha, Isbitaalada, shirkadaha ganacsiga, wadooyinka iyo masjidyada

 

B: hantida gaar ahaaneed sida guryaha, Bakhaarada, baabuurta iyo dukaamada.

 

c: Tirada Isbitaalada ee wax gaareen oona xirmay waxaa ka mid ah, Xayaat, Carafaat, Ayaan, Al-imra, Alxikma, Xasan Jiis.

 

D: Tirada iskuulada ku xirmay dagaaladii Muqdisho ka dhacay waxa ay gaarayaan 275 Iskuul, tirada ardeyda dhiganeysay iskuuladaasi, waxa ay gaarayaan 155.300 ardeyd oo hadda waxbarasho la'aan ay heysato, iyadoo tirada, xiisooyinka waxbarasho ee baaqday xilliga dagaalada waxa ay gaarayaan 30.030.000 oo xiiso.

 

E: Tirada Jaamacadaha ku xirmay waxa ay gaarayaan 13 jaamacadood, ardeyda jaamacadahaasi dhigata waxa ay gaarayaan in ka badan 5.800 kuwaasi oo aan waxbarasho heysan.

 

F: Tirada Dugsiyada qur'aanka ku xirmay waxa ay gaarayaan 1096 Dugsi Qur'aan, dugsiyadaasi oo ay dhiganayeen 56.760 arday.
G: Tirada warshadaha wax ku noqday dagaaladaasi waa 36 warshadood.

 

4. Xadgudubyada bani-aadnimada ka baxsan.

 

Xadgudubyada loo geeystay dadka aan waxba galabsan waxa ay isugu jiraan dad xabsi ku jira oo tiradooda lagu qiyaasay in ka badan 500 oo ruux, waxaana ka mid ah xadgudubyadaasi

 

1. Jirdil loo geeystay dad maraayo wadooyinka si sabab la'aan ah.

 

2. kufsi loo geeystay gabar Somali ah sida Suuban Max'ed Maalin oo lagu kufsaday meelo kale

 

3. Meydad badan oo yaala guryaha oo la diiday in la aaso 10 cesho, yaalana ilaa hadda goobaha ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda.

 

4. Madaafiicda loo adeegsanayo shacabka, waxaa ka mid ah Taankiyo, BM, Diyaaradaha dagaalka, Bambooyin, madaafiicda goobta iyo wixii la mid ah oo lagu garaacayo goobaha dadka rayidka ay dagan yihiin si aan loo meel dayin.

 

5. Dhibaatooyinka Maskaxeed ee ay reebtay madaafiicda goobta ee dadka rayidka ah lagu garaacay waxaa ka mid ah waalida, hurdo la'aanta, naxdin, dhiciska iyo dhiig-baxa haweenka.

 

6. Adeegyada bulshada oo istaagay.

 

Dhamaan waxaa istaagay adeegyada nolosha bulshada sida waxbarashada, biyaha, korontada, dhaq dhaqaaqa ganacsiga, warshadaha socdaalka, dekedda iyo Airaporka, Goobaha caafimaadka, wadooyinka, suuqyada, dhaq dhaqaaqa dadweynaha IWM.

 

7. Boobka hantida dadwenaha.

Waxaa la boobay dhamaan dukaamadii, bakhaaradii iyo guryihii ku yaalay goobaha dagaaladu ay ka dhaceen.

 

8. Codsi Beesha Caalamka.

A: Un ka AU, EU, Jaamacadda carabta iyo ururada islaamka iyo hay'adaha xuquuqul insaanka, waxaan ka codsaneynaa in ay u soo diraan guddi baaris ah xasuuqii ka dhacay Muqdisho, ayna diwaan galiyaan talaabada laga qaadayo cidda geysatay xasuuqaasi.

 

B: Waxaan beesha caalamka iyo hay'adaha samafalka ka codsaneynaa in ay la soo gaaraan gargaar bani-aadnimo dadka Somaliyeed ee ka barakacay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ku dhibaateysan daafaha magaalada iyo gobolada, halkaasi oo ay ku heysato cunto la'aan, Biyo la'aan, Hoy la'aan iyo dawo la'aan.

 

Ilaha Xogta.

1. Goobaha caafimaadka

2. Idaacadaha.iyo saxaafadda Muqdisho

3.kormeer goobihii dagaaladu ay ka dhaceen.

4. kormeer goobihii loo barakacay.

5. hay'adaha u udooda xuquuqul inskaanka.

6. hay'adaha Waxbarashada.

7. wareysiyo dad goobjoog ah.

 

Magacyada Guddiga Diyaariyay xogtaan waxaa ka mid ah.

1. Dr. Max'ed Maxamuud Max'ed Dheere. (Gudoomiye)

2. Col, Xuseen Siyaad Qoorgaab ( K/xigeen)

3. C/laahi Sheekh Xasan.

4. Inj, C/qaadir Cali max'ed.

5. Inj, Max'uud Max'ed Faarax

6. Dr. Bashiir Axmed Cismaan.

7. C/xakiin Axmed Fareey

8. Axmed Max'ed Ciirre

9. Max'ed Muuse Sheekh

10. Siraaji Sheekh Isxaaq.

11. C/casiis Axmed Xirsi.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]

Mogadishu, Somalia