4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Nov 26, 2007
Maamulka Gobolka Banaadir oo sharci adag ku soo rogay Warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho

Isniin, November 26, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sharci adag ku soo rogay Warbaahinta madaxa bannaan ee ka howlgasha magaalada Muqdisho, xili uu sharcigii lagu dhaqi lahaa Saxaafadda uu horyaallo Baarlamaanka Soomaaliya.

Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu dhex shaaciyay kulan ay maanta wada yeesheen Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo wakiillo ka socday Warbaahinta ka howlgala magaalada Muqdisho.

Amarka lagu soo rogay Warbaahinta Muqdisho ayaa waxaa qodobadiisa  ka mid ah in aan la sheegi karin Howlgallada ay sameeyaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, iyadoo aysan ka hadlin saraakiisha howlgallada ku shaqada leh, in aan la sheegi karin tirada Dadka ka barakaca Magaalada Muqdisho iyadoo aan la heynin tiro-koob sax ah iyo in aan la buun-buunin karin dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda Federaalka haddii ay gudaha dalka joogaan iyo haddii ay ka maqan yihiin intaba.
 
Maxamed Dheere ayaa markii uu soo saaray waxaa markiiba aqbali waayay wakiilladii ka socday Hay’adaha Warbaahinta oo codsaday in ay ka soo fiirsadaan ilaa maalinta Arbacada ah ee soo socota, taasi oo uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir aqbalay.

Amarka uu soo saaray Maamulka Gobolka Banaadir ee ka dhanka ah Warbaahinta Muqdisho ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maanta Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya loo qeybiyay nuqullo ka mid ah Xeerka Saxaafadda Madaxa Bannaan lagu dhaqi doono, kaasi oo la filayo in uu Baarlamaanka ka doodo maalmaha soo socda kadibna uu sharci ahaan u ansixiyo.

Ugu dambeyntiina, waxaa suurtageli weysay in maanta hawada dib loogu soo celiyo Idaacadaha Shabelle, Simba iyo Banaadir oo ay horay u xirtay Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee maalinta berri ah ayaa la filayaa in ay Idaacadahaas hawada dib ugu soo noqdaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia